U bood dhigaalka

Akhriso: Qaabka Ay U Dhaceen Is-badallada Xukuumadda Kheyre

Sheeko:Dalka

Tan iyo markii la magacaabay xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre illaa 7 wasiir ayaa la badalay, wasiir dhintay marka laga reebo inta kale waxaa ay ku baxeen duruufo mugdi ku jiro.

Is-badalka dhacay waxaa ka mid ah 4 wasiir oo raggaasi ka mid ah ra’isul wasaare Kheyre ayaa shaqada ka diray, labo iyaga ayey ku adkaatay la shaqeynta xukuumadda, wasiirna waa la dilay.

Wasiirrada uu isbadalka saameeyay waxaa ka mid ah: Wasaarada arrimaha gaashaan-dhigga, arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda oo ka mid ah wasaaradaha ay dowladda federaalka ah ku socoto.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre kama hadlo duruufaha ay ku baxaan wasiirradiisa, mana sharaxo is-badallada uu sameeyo iyo sababta, su’aalaha ugu badan oo aan jawaabta loo helin waa sababta ay ku baxeen.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Sida Isbadallaasi u Dhaceen:

Feb 23, 2017, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ra’isul wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ka tirsanaa milkiilayaasha Soma Oil and Gas.

March 21, 2017: Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay 68 wasiir, 8 ayaa haween ahaa, waxaa kale oo ku jiray 15 wasiiru dowle, 26 wasiir, 26 ku-xigeen, wasiiradaas 42 Xildhibaanno ahaa.

 April 1, 2017:   Waxaa kalsooni heshay xukuumadda Ra’isul wasaare Cali Kheyre, iyada oo si toos ah shaqadeeda u bilowday.

May 3, 2017:  Wasiirkii Howlaha guud iyo dib u dhiska  Xil. Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho.

October 12, 2017: Cabdirashid  Cabdullahi  Maxamed oo ahaa wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya ayaa  istiqaaladiisa u gudbiyay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

November 15, 2017: Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa waxay iska casishay xilkaasi.

November 26, 2017: Waxaa xilka laga qaaday wasiirka Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya Iiman Abdullahi Ali,

January 4, 2018: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa shaqada ka ceyriyay 3 wasiir oo kala ah: wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga calamiga Yusuf Garaad,, Wasiirka warshadaha iyo ganacsig Khadra Axmed Ducaale, iyo wasiirka arrimaha gudaha federalism-ka Cabdi Farah Saciid“Juxa”.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka arrimaha gudaha oo qoraal soo saaray waxaa ay sheegeen in aan loo sheegin xilka qaadista taas oo protocol ahaan hadal badan laga keenay, waxaa kale oo ay soo jeediyeen arrimo muhiim u ah jiritaanka dowladnimada.

Yusuf Garaad waxaa uu la dardaarmayey madaxweynaha iyo wasiirka 1aad waxaa uu yiri “waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda”

Cabdi Farax Juxa waxaa uu isna ku dardaraamay “Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, danteenuna waa isku tolan tahay, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay”.

Goobjoog News