Akhriso Sharciga: Madaxweyne Farmaajo Dalka Ma Gelin Xaalad Dagaal

madaxweyne farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khamiistii sheegay in uu iclaaminayo in dalka ku jiro xaalad dagaal, hadalkaasi kadib, dadka inta badan waxaa ay isla dhex-marayeen in madaxweynaha uu dalka geliyay xaalad dagaal, laakin arrinta sidaasi waa ka duwan tahay, oo hadalka sida loo fasirtay ma ahan!!

Sharci-yaqaanno la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in Farmaajo uu sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, taas oo ka duwan waxaan dalka gelinayaa xaalad dagaal, marka la fiiriyo sharciga iyo tillaabooyinka ka dhalan kara.

Sida sharci-yaqaannada sheegayaan, madaxweyne Farmaajo waxaa uu ka hadlay xaalad dagaal oo horay u soo jirtay oo ahaa in uu dagaal dowladiisa kala dhaxeeyo kooxaha ka soo horjeeda, taasina wax cusub ma aha.

Waa Maxay Xaalad Dagaal Ah:

Xaalad Dagaal, waxaa ay ka qeyb ka tahay gobannimada iyo go’aan gaarista uu dalka uu leeyahay, dalka aan xaalad dagaal ku dhawaaqi karin ma aha dal xor.

In kasta oo dalalka caalamka awoodda ku dhawaaqista xaaladda dagaal ay ka mid tahay awoodaha uu leeyahay madaxweynaha hadana arrintaas waa in lagala tashtaa golaha sharci dejinta sida ku qoran xataa dastuurka Soomaaliya.

Sababaha golahayaasha sharci dejinta aan looga maarmeyn waxaa ka mid ah: In shacabka uu ka warqabo, in la fududeeyo sharciyada loo baahan yahay, haddii loo baahdo in ciidamo dibadda loo diro oo dagaal ama nabad ilaalin u baxayaan waa in ansixin laga helaa golaha, dirista ciidanka iyo soo celintaba.

Dastuurka Soomaaliya iyo Xaalad Dagaal:

Dastuurka Soomaaliya ee hadda lagu dhaqmo waxaa uu xaalad dagaal sheegayaa labo jeer:

Qodobka 71-aad waxaa uu uga hadlayaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku iyo masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah:

Qodobkaas 71aad xarafka (f) waxaa lagu sheegayaa in uu qeyb ka yahay golahan habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal, waxaa la qoray.

(f)     Ka-qayb-qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan;

Qodobka 90-aad ee dastuurka waxaa uu ka hadlayaa Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, qodobkaas faqradiisa 1aad waxaa uu ku qoran sidan:

  • Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Degdegga ah iyo Xaaladda dagaal, si wafaaqsan sharciga.

Ku dhawaaqista xaalad dagaal waa ay ka duwan tahay xaalad degdegga ah sida ku qoran qodobka 131 ee dastuurka Soomaaliya.

Qodoboda 131

Xaalad Degdegga ah

(1) Xaalad degdeg ah waxaa la soo rogi karaa keliya haddii ay lagama-maarmaan u tahay wax ka qabashada xaalad ba’an oo ka dhalatey dagaal, weerar, fallaaganimo, kala-dambeyn la’aan, masiibo dabiici ah ama arrin kale oo degdeg ah oo ba’an.

(2) Xaalad degdeg ah waxaa looga dhawaaqi karaa guud ahaan ama qayb ahaan dalka, laakiin waa in aanu ka badnaan inta loogu baahan yahay in wax looga qabto xaaladda.

(3) Madaxweynaha isaga oo tallaabadiisa ku saleynaya codsi uu u soo jeediyey Golaha Wasiirrada waxaa uu ku dhawaaqi kara xaalad degdeg ah oo lagamamaarmaan ah, taas oo markaa ka dib ay kaga doodi karaan, oo ayna ku ansaxin karaan, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka muddo 21 maalmood gudahood ah ka dib marka lagu dhawaaqo xaaladda. Doodaha Baarlamaanka Federaalka waxaa ay ahaanayaan kuwo aan qarsoodi ku dhicin oo dadweynaha u furan haddii aaney taasi diideynin xaaladda jirta.

(4) Baarlamaanka waa uu oggolaan karaa ama waxaa uu u kordhin karaa waqtiga isaga oo gaarsiinaya muddo aan ka badneyn saddex bilood. Haddii Baarlamaanka Federaalka uusan oggolaan ama uusan waqti ku darin xaalad degdeg ah, markaa xaaladda degdegga ah ma jireyso.

(5) Ku-dhawaaqista xaaladda degdegga ah waxaa ay laanta fulinta siin kartaa awoodo gaar ah oo loogu baahan yahay wax ka qabashada xaaladda oo keliya.

(6) Awoodaha lagu bixiyo xaaladda degdegga ah gudaheeda kuma jirayaan awoodo loogu xadgudbayo xuquuqaha ku jira dastuurkan, haddii xadgudubkaasi aanu gebi ahaanba lagamamaarmaan u ahayn ujeeddooyinka wax ka qabashada xaaladda degdegga ah.

(7) Saxnaanta ku-dhawaaqista xaaladda degdegga ah, iyo habraacyada loo maro ku dhawaaqista, waxaa lala tiigsan karaa maxkamad.

Xaaladaha Dagaal Ee Madaxweyneyaasha Caalamka Ku Dhaawaaaqeen:

Dal-ka marka uu ku dhawaaqo xaalad dagaal, ha ahaado dagaal gudaha ah ama mid dibadda ah, waxaa hubaal ah in dagaalkaas uu dhaco, weliba saacadda lagu dhawaaqo.

Dalka Mareykanka Tusaale ahaan Congress-ka, waxaa uu si rasmi ah u iclaamiyay xaalad dagaal illla 11 dagaal oo uu jiro dagaalkii labaad ee adduunka.

Congress-ka waxaa kaloo uu sharciyeeyay 11 dagaal oo kale iyada oo aan lagu dhawaaqin xaalad dagaal, dagaallaasi waxaa ka mid ahaa: January 12, 1991. Dagaalkii Kuwait looga xureeyay Sadaam iyo dagaalkii uu Mareykanka u qaaday ciraaq kadib September 11, 2001-dii.

Iclaamin Xaaladahii Dagaal Ee Taariikhiga Ahaa:

December 7, 1941, Imbaraadooriyadda Jabaan ayaa weerar lama filaan ah ku qaaday dalka Mareykanka, gaar ahaan Pearl Harbor ee dhulka Hawaii.

Maalin kadib, Madaxweynaha Mareykanka Franklin Delano Roosevelt , waxaa uu khudbad dheer u jeediyay Senatka iyo Congers-ka, isaga oo halkaas uga dhawaacay xaaladda dagaal.

“Waxaan weydiistay Congers-ka in aan ku dhawaaqo, mar haddii dagaal uu Jaban nagu soo qaaday axadda, December 7, 1941, xaalad dagaal ayaa ka dhex jirta Mareykanka iyo Imbaraadooriyadda Jaban”.

Hitler oo aamnisanaa in Jabaan haddii uu taageero ay gacan ka siin doonaan dagaalka Ruushka ayaa isna xaalad dagaal oo dhan Mareykanka ku dhawaaqay December 11, 1941.

Khudabadda uu Hitler u jeediyay hogaaamiyeyaashii Naaziga ee ku sugnaa  Reichstag waxaa uu ku yiri:

“ Waan ognahay awoodda taageerta Roosevelt, Waa Yuhuudda, waxaa abaal u hayaa shacabka Jarmalka kaas oo ii doortay in aan ku hoggaamiyo loolankan taariikhiga ah kaas oo wax ka badali doona taariikhda caalamka 10-ka qarni ee soo socota”.

1973: Masar dagaalkii ay la gashay Isra’il, Madaxweyne Anwar Al-saadaat marka hore waxaa uu iclaamiyay xaalad dagaal, kadib waxaa uu baarlamaanka dalkaasi hor yimid October 14, 1974-tii, 9 maalmood kadib dagaalka waxaa uu u sharxay sida ay u jabiyeen cadowga. 

1977: Xoreynta Soomaali Galbeed:  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, waxaa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah xabashida, dagaalkaas waxaa uu bilowday July 23,1977, muddo sanad ka badan ayuu socday, Siyaad Barre isaga ayaa dalka dagaal geliyay  hadana isaga ayaa amray in laga soo baxo.

September 22, 1980: Madaxweynihii Ciraaq Saddaam Xuseen ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan Iran, dagaalkaas waxaa uu socday wax ka badan 8 sano.

Dalka Mareykanka labo jeer ayuu xaalad dagaal ku qaaday dalka Ciraaq, January 12, 1991 oo ahaa dagaal Kuwait looga  saarayey Saddaam  iyo dagaalkii lagu qaaday kadib weerarkii September 11, 2001-dii.

2001: Dagaallada la xusuusto waxaa ka mid ah, dagaalkii Mareykanka ee Ciraaq, xilligaas oo madaxweynaha Mareykanka Bush oo shacabka kala hadlay Telefishinnada waxaana khudbadiisa ka mid ahaa.

“ Muwaadiniinta sharafta leh, isla saacadda waxaa ay bilaabeen ciidamadeeda iyo kuwa xulafada dagaal hubka wax gumaada looga bixinyao gacanta Ciraaq”.

Hadaba in xaalad dagaal lagu dhawaaqo waa in dagaal uu bilowdo, waxaa ka horreeya diyaar-garow, heegan iyo in sharcidejinta la soo mariyo, waxaa aad u kala fog in madaxweynaha uu dhaho waxaan ku jirnaa xaalad dagaal oo uu ka hadlo xaalad joogta ah iyo in uu ku dhawaaqo xaalad dagaal oo cusub, hadalkii madaxweyne Farmaajo ee Khamiistiina ma aheyn mid dalka uu gelinayo xaalad dagaal, ee waxaa uu ka hadlay xaalad horay u jirtay. 

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News