U bood dhigaalka

Akhriso: Sidee Lagu Gaaraa Guusha

Sheeko:War

Guusha malaha sir, balse waxaa jira tilmaamo iyo waanooyin loo raaco guusha arrintaasi oo aad raaceysid marka aad ku guda jirto waxbarashadaada.

Haddaba tilmaamaha guusha waxaa ugu muhiimsan:.

1 . Inaad Alle Subxaanahu watacaalaa aad rumeysantahay: rumeynta alle waxay ku siinaysaa awood aad ku hesho in aad ku guuleysatid waxabarashadaada isaga oo alle kugu aadinaya meesha toosan kuna heleeshiinaya guusha.

2 . inaad ku kalsoonaato nafsataada iyo caqligaaga uu ilaahey ku siiyay maadaama aad bixineyso dadaal si aad u hesho cilmi.

  1. Inaad taqaano wadada guusha oo ah in aad ku adkeysato inaad guulesato oo aadan ka niyad jabin waxbarashadaada si aad uga gaari laheyd meel sare.

4 . inaad ka faa’ideysato waqtiyadaada ugana faa’ideysato waxyaabaha adiga ku anfacaya aduun iyo aakhiraba.

  1. inay mar kasta nafsadaada diyaar tahay si ay u hesho cilmi ayna u noqoto nafsad wax akhrisa waxna baarta.
  2. inaad ka fogaatid mar kasta waxyaabaha kuu keenaya niyad jabka taasi oo asaas u ah inay kaa fashilanto wadadii guusha.

Hadaba qodobadaas waxa ay ka mid yihiin qaar ka mid ah waxyaabaha lagu gaaro guusha.