Akhriso: Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Iyo Dhibaatada Maanta

Somali-National-Army-SNA

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaaldegaya sanad-guuradii 57-aad ee aasaaskooda, cabsi dateed waxaa xiran isu socodka waddooyinka Muqdisho taasi oo ku tuseysa awoodda ciidanka iyo khatarta dalka ka jirta.

Dhibaatada Ciidamada Heysata Waxaa Lagu Soo Koobi Karaa:

Dhismaha Ciidanka: Ciidanka xoogga dalka waxaa dhibaato ku noqotay dib u soo kabasho kadib burburkii 1991-kii, hadda ciidanka jira ee xoogga waa beelo, weli ma dhicin ciidanka ku yimaada qoritaan iyo rabitaan shakhsi ah.

Cunaqabateynta hubka: Arrintan waxaa ay horseedday in hubka ciidanka uu noqday mid hore oo ka haray dowladdii Siyaad Barre iyo wax laga dhaxlay hoggaamiye kooxeedkii dalka.

Rasaas La’aan: Ciidanka xoogga dalka oo shaqadooda ugu muhiimsan tahay difaaca dalka, ma heystaan rasaas, askari ee la doonayo in dalka ka difaacaan oo hub iyo rasaas aan wadan, sideebuu u dagaalami?

Mishaarka: Ciidanka xoogga dalka waxaa mushkilad ku ah mishaarka, waxaa dhici karta hadda in sidii hore ka fiican yihiin, laakin ciidamada waxaa ay ku dhib qabeen mishaaraadka xilliyadii hore.

Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed: 

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa uu ka koobnaa ilaa 4 ciidan oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka.

Dalkeena waxaa uu ciidan lahaa xilligii gumeystaha, Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaa ay sameeyeen Booliis, ciidanka Booliiska waxaa la dhisay sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daah-furay sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, Ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye.

1960: Ciidanka xoogga dalka waxaa la aasaasay April 12, 1960-kii kadib qoraal uu soo saaray mudane Cabdulahi Ciise Maxamud oo xitaa dhinac maray talooyin ay siiyeen saraakiishii xiligaas joogtay oo arrinkaas diidanaa sida Maxamed Abshir, Ceynaanshe iyo rag kale.

Ciidamada xoogga dalka waxaa lagu aasaasay 8 horin oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya, halkii horin waxaa lagu qiyaasaa 100-120 askari.

Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka dhamaantood waxaa ay ahaayeen Booliis, Waxaa ka mid ahaa Gashaanleyaal sida Da’ud Cabdulle Xersi, Liiqliiqato, Maxamed Ibrahim iyo rag kale iyo kuwoo Captain  ahaa sida Maxamed Siyaad, Cali Samatar, Gabeyre iyo Cabdulahi Yusuf….raggan iyo inkaloo badan waxaa laga wareejiyay ciidanka booliis-ka oo waxaa lagu aasaasay ciidanka xoogga dalka.

Soomaalida markii ugu horeysay oo ay arkaan ciidamada xoogga dalka waxaa ay aheyd July 1, 1960-kii, xiligaas oo ay dalka ka dhigeen dabaaldegyo ku aadan xoriyadda iyagoo la wareegay amaanka dalka iyo dadka.

Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka waxaa ay sheegayaan in aasaaska ciidanka xoogga uu barbar socday qiiro iyo xamaasad waddaniyadeed oo shacab iyo dowladba leh,  inta ay dadka wadaniyad ka qabaan waxaa qiimo ama percentage lagu daray cashuuraha dowladda hoose si miisaaniyad loogu abuuro ciidamada qalabka sida.

Tiro ahaan ciidanka waxaa la geeyay illaa 4000 oo ciidan kuwaas oo kala ahaa: 1000 Askari oo Talyaaniga dalka uga tagay, 2000 oo askaro oo la qoray iyo 1000 askari oo ka yimid waqooyiga dalka oo xiligaas uu maamuli jiray gumeystaha Ingiriiska.

Sida ay saraakiisha ciidanka noo sheegeen dhibaatada ugu badan waxaa ay ka timid isfahamka ciidan oo qaarkood Army la dhaho sida kuwa waqooyi ka yimid iyo Serjito oo dhinaca Talyaaniga ah.

Si isfaham darridaas looga baxo waxaa uu Taliye Maxamed Ceynaanshe sameeyay afka maanta ciidanka adeegsado ee “Digtoonow”,  “Joogso”,  “Dib u Jeeso” iyo erayada kale ee caanka ah.

Pan-Somalism(Somaliweyn):

July 1, 1960: Waxaa xoriyad qaatay dalkeena Soomaaliya, waxaa midoobey labada gobol ee koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya, maalintaas faraxdda kuma koobneen oo keliya labadii midowday.

Dhanka xeebta Soomaaliya(Djabuti), waxaa ka yimid halgamaagii weynaa Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid Koofur Galbeed iyo NFD.

Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda Soomaaliyeed, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn iyo sidii gacnta Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa dhulka maqan.

Ciidanka:

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aasaaskii kadib, waxaa ay tababaro, hub iyo saanad kale ka heleen midowga Soviet kadib markii 1963 ay dalka Ruushka safar ku tagay ra’isul wasaaraha dalka Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo taliyaha ciidanka qalabka sida General Da’ud.

Dalka Ruushka waxaa ay ogolaadeen in ay qalabeeyaan ciidamada xoogga dalka oo tiro ahaan la sheegay in ay noqdaan ilaa 35,000, ciidankan ayaa isugu jiray ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka.

Markii qalabeynta lagu bilaabay ciidamada qalabka sida hadafkooda koobaad waxaa uu ahaa xoreynta dhulka ay gumeystaha ka heystaan Soomaaliya sida Soomaali galbeed iyo NFD.

Dagaallada:

1964: Dagaalkii ugu horeeyay ee ciidankeenna uu galo waa dagaalkii xadka ka dhacay ee 1964-tii waxaa xiligaas taliyaha ciidanka xoogga dalka ahaa Gen. Da’ud Cabdulle Xersi,, dagaalkan oo ka dhacay Wajaale iyo goobo kale, waxaa ku adkaaday ciidankeenna qalabka sida waxaa dagaalkaas ku soo caan baxay Salaad Gabeyre, waxaa dadkii halkaas ku shahiiday ka mid ahaa geesigii diiday in calankeena uu dhulka ku dhaco ee Xalane.

1977: Dagaalkan oo loo yaqaano xoreynta Soomaali galbeed waxaa ciidanka xoogga dalka lagu xasuustaa geesinnimo xad dhaaf ah, waxaa ay furumaha cadawga xabashida ay ku jiireen saacado kooban.

Taliyeyaashii Soomaalida ee dagaalka hogaaminayey waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in xabashida ay si la filaan ah u jabtay, ciidamada geesiyaasha Soomaalida waxaa ay gacanka ku dhigeen inta badan dhulka Soomaali Galbeed sida Mustaxiil, Wardheere, Dhagaxbuur, Godey, Qalaafe, Qabridahare, Jigjiga iyo magaalooyin kale, waxaana qalqal galay maamulka Mengistu Haile Mariam.

Dagaalkaas oo ka mid noqday dagaallada dunida ka dhacay xiligii dagaalkii Qaboobaa, Jaamacadaha la dhigo, dalalka Ruushka iyo Cuba ayaa qiyaaney dalkeena iyagoo si lama filaan ah gacan u siiyay xabashiga tiiyoo keentay in ciidanka xoogga dalka uu soo jabo.

Taliyeyaashii ciidanka xoogga dalka 1991-dii Ka Hor:

Ciidanka xoogga dalka waxaa hormuud ka noqday taliyeyaal badan oo magac ku lehaa ciidanka dhexdiisa.

1960-kii, Taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka xoogga dalka waxaa uu ahaa Gen. Da’ud Cabdulle Xersi, isaga ayaa mas’uul ka ahaa dhismaha ciidanka xoogga iyo in ciidankeeda uu ku guuleysto dagaalkii ugu horeeyay xoriyaddii kadib.

Taliyeyaasha kale, waxaa ka mid ahaa:

Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cali Samatar, Cumar Xaaji Massalle,  Maxamed Xersi Morgan iyo Aden Gabyow…. Waxaa xusid mudan in Jaalle Siyaad uu ciidanka taliye u ahaa min 1969-1991-dii.

Wasiirradii Gashaandhigga:

1960-1969: Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Sheekh Cali Ismaaciil, Hilowle Macali Maxamed, Ade Isaq Axmed, Cabdiraxman Xaaji Muumin, Xaaji Yusuf Imaan Guuleed.

1969-1991: Salaad Gabeyre Kadiye, Maxamed Cali Samatar, Aden Cabdulahi Nur Gabyow iyo Xuseen Cabdiraxmaan Mataan

Tirada iyo Awoodda Ciidanka:

Ciidanka xoogga dalka waxaa uu noqday ciidanka 3-aad ee ugu awoodda badan Afrika marka laga reebo dalalka Nageria iyo Masar, waxaa uu ku bilowday 8 horin 1960-kii, dagaalkii 1964-tii ciidankeena tiradiisa waxaa ay dad xog ogaal ah ii sheegeen in uu ahaa 4000 iyo xogaa laakin 13 kadib dagaalkii 77 ee xoreynta Soomaali galbeed tirada ciidanka xoogga dalka waxaa ay dowladda ku sheegtay ilaa 40,000 oo askari, laakin saraakiil ka tirsan militariga waxaa ay xaqiijinayaan in ciidankeena uu u dhaxeeyay 300,000-500,000, taasi oo ku tuseysa tirada  iyo tayada ciidanka.

Mishaar: inkasta oo ciidanka xoogga dalka aanu qaadan jirin mushaar badan xiligii Maxamed Siyaad hadana waxaa jiray sababo badan uu ku qanco, tababaro, dalacsiin, raashiin lacag la’aan ah iyo isagoo aaminsanaa in uu difaacayo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa.

1991: Burburkii dalka waxaa dhibka ugu weyn uu soo gaaray ciidanka xoogga dalka, ciidanka xoogga gooni uma istaagin oo waxaa ay ku dhex milmeen qabaa’ilkii, waxaa meesha ka baxay heybaddii ciidanka.

2000: Wixii ka dambeeyay Madaxweyne Cabdiqasim Salaad Xasan ayaa bilaabay in uu  dib la isugu yeero  ciidanka xoogga dalka isagoo taliye u magacaabay Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji, wixii maalintaas ka dambeeyay ciidanka xoogga dalka waxaa uu u jiraa magac ahaan laakin in uu noqdo ciidan awood leh waxaa ay u baahan tahay waqti iyo dulqaad.

Taliyeyaasha Ciidanka xoogga ee burburkii kadib:

Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji, Maj.Gen Cabdulahi Cali Cumar, Brig.Gen Saalax Xiis, Maj.Gen Saciid Dheere, Mag.Gen Yusuf Cusmaan Dhuumaal, Brig Gen. Geelle Kaahiye, Brig Gen. Jimcaale Geedi, Mag. Gen. Cabdiqadir Sheekh Diini, Gen. Maxamed Indho Qarshe, Brg. Gen Daahir Aden Elmi, S/Gaas Maxamed Aden Axmed iyo Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid.

Wasiirrada Gaashaandhigga 2000-2017:

2000-2004: Cabdullahi Muse Boqor, Cabdiwahab Maxamed Xussein,  Aden Axmed Cabdi:

2004-2009: Cabdirahman Maxamud Cali: Barre Aden Shire Hiiraale, Muxuuddin Maxamed Xaji Ibrahim,

2009-2012: Maxamed Cabdi Gandhi, Cabdikarim Maxamud Xaaji Faqi, Xussein Carab Isse,

2012-2017: Cabdixakim Maxamud Xaji-Faqi, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Cabdulqaadir Sh. Cali Diini iyo Cabdirashiid Cabdullahi  Maxamed.

Awoodda Ciidanka:

Ciidanka xoogga dalka malaha shakhsiyaddii hore, lama yaqaano tirada rasmiga ee ciidanka, waxaa kala badan inta mishaariga ah iyo inta rasmiga u shaqeysa, wax badan ayaa isku qasan oo ay ka mid tahay “waa kuma cadawga Soomaaliya?, disibiliinka ciidanka waa arin kale oo ka hadal u baahan, waxaase hubaal ah in ay jirto meel wax laga bilaabi karo haddii la helo hogaan diyaar u ah.

Waxyaabaha awoodda ciidanka hoos u dhigaya waxaa ka mid ah mishaar xumo, maamul goboleedka oo jiidanaya taliyeyaashii khibradda lahaa, cunaqateynta hubka ee dalka saaran iyo hadaf la’aanta hogaanka dalka ee ku aadan qarameynta ciidanka iyo damaanad-qaadka mishaar, tababar iyo qalabeyn joogta ah iyo cadawgii umadda sida Xabashida iyo Kenya oo Soomaaliya ku dhex jira iyagoo aan fursad u siineyn dalka in uu yeesho ciidan qaran.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,

Goobjoog News