U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikhda Guddoomiye Ku Xigeenkii Golaha Shacabka Axmed Abroone Oo Geeriyooday

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta Qabuuraha Barakaat ee magaalada Muqdisho lagu aasay guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacabka Axmed Abroone Amiin oo xalay caasimadda ugu geeriyooday xanuun ku soo booday.

Axmed Abroone Amiin waxaa duugtiisa ka soo qeybgalay Xildhibaan Khalif Cabdi Cumar iyo aqoonyahanno ay ka mid yihiin Salaad Warsame

Mudane Axmed Abroone Amiin oo haatan 77 jir ahaa, waxaa uu ku dhashay deegaanka Buurweyn oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dhanka waxbarashada waxaa uu dalka Sacuudiga ka soo bartay shareecada iyo qaanuunka Jaamacadda Riyaash oo ku taallo caasimadda Sacuudiga.

Xilligii dowladii Maxamed Siyaad Barre waxaa uu ka tirsan madaxda maxkamadda sare ee dalka, isaga oo caan ku ahaa garsoorka.

Burburkii kadib, dowladdii Carte lagu soo dhisay 2000 waxaa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo muddo uu noqday ku simaha madaxweynaha.

Axmed Abroone Amiin waxaa uu ifka uga tagay 10 caruur ah iyo 3 xaas, waxaa muddadii dambe ahaa Imaamka masjidka Al-Aqsa ee Juungal, Yaakhshiid.

Goobjoog News waxaa ay tacsi u direysaa ehelladii, qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka baxay marxuum Axmed Abroone Amiin.

Goobjoog News