U bood dhigaalka

Akhriso: Telefanka Adduunka Ugu Qaalisan, Waxaa Kuu Keenaya Helicopter

Xilli indhaha caalamku ay ku jeedaan taleefoonka iPhone 8 ee casriga ah oo qorsheysan in shirkadda Apple ay dhawaan suuqyada ku soo deyso, ayaa waxaa daaha laga rogay mobile-ka adduunka ugu qaalisan oo lacagihiisu ay kor u dhaafayaan Boqolaal kun oo dollar.

Mobile kan cusub tiknoloojiyad kaliya maaha ee waxaa lagu hardhay macdan qaali ah taas oo sicirkiisa ka dhigtay inuu gaaro 360 kun oo dollar.

Cobra waxaa soo saartay shirkadda  “Vertu” ee mobillada oo kaashaneysa shirkad Fransiis ah oo design ku sameysay  Jowharadaha ah iyo macdanta qaaliga ah ee mobilka lagu qurxiyay, mobilkan ayaa qofka iibsanayaa waxa uu bixinayaa lacag carbuun dheeraad ah  oo gaareysa illaa $145.

Cobra waxaa lagu qurxiyay macdanta qaaliga ah ee Ya’quut iyo Zumrud qaabka maska Cobraha oo kale loo sameeyay.

Sida ay sheegayso jariidada Daily Tech, Mobilkan ayaa ka kooban 388 qeybood oo gabi ahaanba lagu sameeyay dalka Ingiriiska, shirkaddu illaa hadda waxay soo saartay 8 xabbo oo kaliya, cidkasta oo dalbata lacagta horumrinta ah bixisa waxaa mobile-ka loogu gaynayaa diyaarad helicopter ah.

Cobra waxaa uu wataa kaamiro 21 megapixel ah, waxaana uu wataa makarafoon aad u tayo sarreeya, waxaanuu ku shaqeynayaa nidaamka Android, ku hadalkiisuna waxa uu kuu ogolaanayaa adeegga 3G, 4G iyo Bluetooth.

Goobjoog News