U bood dhigaalka

Akhriso: War Murtiyeed Ka soo Baxay Shirweynihii Deegaanka Puntland.

Sheeko:Dalka

Waxaa  magaalada Garoowe ee caasimada Puntland lagu soo gabagabeeyey shirweynihii labaad oo looga arinsanayey arimaha Deegaanka ee Puntland kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dawlada Puntland

Hadaba, halkan ka akhriso War Murtiyeedka Ka soo baxay:

  1. In Wasaaradda deegaanku ay dar­dar geliso ka faa’iidaysiga biyaha roobka isla markaasna ay ka hirgaliso gobolada Puntland oo dhan biya xireeno sidoo kalena ay horumariso farsamooyinka casriga ah ee ka faa’iidaysiga biyaha roobka ee badda ku shubmaya mar kasta oo roob da’o.
  2. Waxaa la isku raacay in dowladda iyo Shacabweynaha reer Puntland ay si wadajir ah isaga kaashadaan wax ka qabashada xaalufka Deegaanka iyo dhowrista dhul daaqsimeedka. Sidoo kale in wasaaradda Deegaanku ay kordhiso howlaha la dagaalanka xaalufka isla markaasna ka hirgeliso Gobolada dalka oo dhan biyo weecinno iyo biyo hakisyo si ay uga qaybqaataan dib u soo noolaynta dhul daaqsimeedka.
  3. Waxaa la isku raacay in si wadajir ah loo fuliyo shuruucda iyo siyaasadaha lagu ilaalinayo Deegaanka, isla markaana ay Dowladda dhexe kordhiso qoondada miisaniyadeed ee Wasaaradda Deegaanka si ay wax uga qabato howlaha Ilaalinta Deegaanka.
  4. In kor loo qaado wacyigelinta bulshada reer Puntland, lana hirgaliyo “Ololaha TABLIIQA DEEGAANKA”, sidoo kalena bulshada laga taageero xaga tababarada ilaalinta Deegaanka si ay qayb libaax uga qaataan ka faa’iidaysiga khayraadkeena dabiiciga ah iyo ilaalina deegaanka.
  5. In la horumariyo ilo tamareedyada badiilka ah (alternative energy) si looga maarmo dhuxusha.
  6. Waxaa Shirweynuhu bogaadiyey guud ahaan wax qabadkii Wasaaradda gaar ahaanna guulihii laga gaaray mashruuca “Deegaanku waa noloshaada” ee ay maalgelisay Midowga Yurub.
  7. Wuxuu shirweynuhu aad ugu riyaaqay una soo dhaweeyey waxqabadka Wasaaradda ee ku aadan ka faa’iidaysiga biyaha roobka iyo dhisidda Biyo­ xireenada, taas oo laf dhabar u ah nolosha reer miyiga iyo u adkeysiga saamaynta abaaraha iyo isbedelka cimilada.
  8. Waxaa la isla qaatay in dhammaan laamaha sharci fulinta ee Dawladda Puntland ay dhaqangeliyaan xeerarka iyo siyaasadaha ay Wasaaradda Deegaanku sameysay.
  9. Waa la isku raacay in muhiimad gaar ah la siiyo ilaalinta iyo dhowrista xeebaha iyo khayraadka badaha Puntland.
  10. Waxaa mahad cellin weyn loo soo jeediyey Deeq bixiyaha Midowga Yurub oo taageero dhaqaalle oo weyn u fidiyey Puntland xaga Degaanka iyo weliba dhisidda Wasaaradda Degaanka.

Waxaa sidoo kale mahadcellin ballaaran loo soo jeediyey UNDP/GEF, World Bank iyo hay’adaha caalamiga ah sida CARE International iyo ADESO kuwaas oo Wasaaradda Deegaanka kala shaqeeyey howlaha dib u noolaynta Degaanka Puntland iyo kor u qaadida awoodda Wasaaradda Deegaanka.

Dhammaad

Goobjoog News