U bood dhigaalka

Akhriso: War Murtiyeedka Shirka Amniga Iyo Qorshaha Ay Ku Baxeyso AMISOM

Sheeko:Dalka

Soomaalida iyo beesha caalamka ayaa isniintii ku heshiiyay war-muryeedka lagu xusay qorshe waqtiyeysan oo loogu talagay xilliga kala guur ah oo shuruudda ay tahay in loo diyaariyo ciidamada Soomaalida sidii ay mas’uuliyadda kala wareegi lahaayeen kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Shirka amniga ee Muqdisho ka dhacay waxaa isku soo hor-fariistay dowladda Soomaaliya iyo dalalka daneeya oo ay ku jiraan qaramada midoobey, midowga Afrika iyo hey’ado kale oo xagga amniga ka taageera Soomaaliya, iyada oo  lagu hesheeyay Road-map cad oo ku xusan sida ay u dhaceyso mas’uuliyad wareejinta.

War-murtiyeedka waxaa lagu heshiiyay in si degdeg ah loo horumariyo qorshe macquul ah oo la fulin karo kaas oo ku xusan sidii yool waqtiyeysan loo qaban lahaa in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada qalabka sida, iyaga oo kala wareegaya AMISOM.

Qorshaha Soomaalida iyo beesha caalamka ku heshiiyeen waxaa ka mid ah: in la xurmeeyo sharciga, xuquuqul insaanka, la adkeeyo la dagaalanka afkaarta argigixisada iyo kor u qaadista arrimaha xasilinta iyo dowladnimada.

Waxaa kale oo qorshaha ku qornaa war murtiyeedka ku jiray in xilliga xilka iyo mas’uuliyadda la wareejinayo oo ah bilaha iyo sanooyinka soo socda,  la hubiyo strategyadda, arrimaha ahmiyadda la siinayo, hadafka la leeyahay iyo qaabka ay ku dhaceyso mas’uuliyad wareejinta oo ay ku jirto hubinta deganaashiyaha, dhismaha dowladnimada iyo qorshayaasha lagu dhisayo ciidanka qalbka sida, booliiska iyo cadaaladda si loo hubiyo nabad waarta oo ka hirgasha Soomaaliya.

Tilaabada ugu horeysa, kooxaha daneeya arrimaha Soomaaliya waxaa ay dejinayaan qorshaha mas’uuliyad wareejinta oo bilaabaneysa 31 December 2017, si  qorshahaasi loo dhameystiro ka hor shirka ay AMISOM codsatay ee golaha ammaanka oo dhacaya 2018-ka.

Xilli illaa Kun askari oo AMISOM ay dalka ka baxayaa dhammaadka bishan, waxaa shirka looga hadlay sidii maal-gelin loogu heli lahaa AMISOM iyo ciidamada qalabka sida iyo in la dhaqan-geliyo heshiiskii ammaanka ee London lagu saxiixay May 2017-kii.

Heshiiskaasi waxaa uu dhigayaa in la dhiso illaa 22,000 ciidan  oo ay ku jiraan 4,000 oo gaar ah, waxaa kale oo lagu darayaa 32,000  oo booliis ah.

Todobaadkan maamulka Puntland ayaa  2,400 oo Daraawiish ah ku wareejiyay dowladda federaalka ah, waxaana la filayaa in maamullada kale qaadaan tillaabo taasi la mid ah si loo helo ciidamo qaran oo hanta amniga dalka iyo dadka.

Goobjoog News