U bood dhigaalka

Akhriso: Warmurtiyeedka Laga Soo Saaray Shirka Golaha Afhayeenada Golayaasha Xeer Dejinta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Golaha Afhayeenada Golayaasha Xeer-dejinta ayaa kulankoodii 4-aad ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed 26kii ilaa 29ka Diseembar 2017, waxaana ka soo qaybgalay:

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya:

1. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, MudaneMaxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

2. Guddoomiye ku-xiggeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalle Cawad

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Puntland:

1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi

2. Guddoomiye ku-xiggeenka 1aad Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Puntland Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan Ciise

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Jubaland:

1. Guddoomiye ku-Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dawladgoboleedka Jubaland Mudane Adan Khaliif Xaaji Yuusuf

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Galmudug:
1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Galmudug Mudane Cali Gacal Casyre

2. Guddoomiye ku – Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Maalin

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed:

1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdiqaadir Sharif Sheekhuna Maye

2. Guddoomiye ku- Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur GalbeedMudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin

3. Guddoomiye ku – Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur GalbeedMudane Aweys Xuseen Macalin
Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Hirshabeele:

Ugu dambeyntii waxaa laga soo saaray Warmurtiyeedkaan:

1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Hirshabeele Mudane Sheikh Cusman Bare Maxamed

1. Ujeedada kulanka 4aad wuxuu ahaa sii xoojinta iskaashiga, khibrad iswaydaarsiga, qorsheynta barnaamijyada tayo-kordhinta hay’adaha xeer-dejinta, qiimeynta mashruuca taakuleynta hay’adahaxeer-dejinta (Parliament Support Project) oo kulmiya dhamaan Golayaasha Xeer-dejinta dalka, u kuurgalidda baahiyaha Golayaasha iyo qorsheynta xal u helidooda, iyo dib-u-eegista heshiiska isafgaradka ee Golayaasha Xeer-dejinta.

2. Afhayeenadu waxay mahadnaq iyo boogaadin u jeediyeen Golaha Xeer-dejinta ee Dowlad – Goboleedka Koonfur-Galbeed soo dhoweynta diirran iyo martigalinta qiimaha badan muddada uu kulanku ka socday Xarunta KMG ah Koonfurgalbeed ee Baydhabo. Ka qeybgalayaasha kulanka 4aad ee Afhayeenada waxay fursad u heleen kormeeridda xarumaha hay’adaha Dowlad – Goboleedka Koonfur-Galbeed, waxaana farxad weyn noo ah horumarka muuqda ee muddada kooban ugu hirgalay Dowlad – Goboleedka iyo shacabka Koonfur-Galbeed.

3. Kulankan 4aad waxaa diiradda lagu saaray baahida guud iyo baahiyaha gaar ahaaneed ee Golayaasha Xeer-dejinta, waxaana lagu diyaariyey nuqul-qoraal soo koobaya baahidda Gole walba leeyahay iyada oo la isla gartay in si wadajir ah xal loogu raadiyo caqabadahaas, hortabinna la siinayo hadba sida loo kala baahi badan yahay, gaar ahaan Golayaasha dhowaan dhismay sida Hirshabelle iyo Galmudug.

4. Waxaa kulanka lagu guddoonsaday in kulan wadajir ah lala yeesho hay’adaha deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha sida tooska ah ula shaqeeya Golayaasha Xeer-dejinta horraanta sanadka 2018.

5. Waxaa kulanka lagu guddoonsaday in dib-u-eegis iyo toosin lagu sameeyo mashruuca tayo-dhisidda Golayaasha (Parliament Support Project) si loo waafajiyo baahiyaha hortabinta u leh Golayaasha Xeer-dejinta.

6. Waxaa lagu heshiiyey in lagu dhiirigaliyo, garabna lagu siiyo hay’adaha fulinta heer Federaal iyo Dowlad-Goboleed dardargalinta iyo dhamaystirka arrimaha ka dhiman federaaleynta dalka.

7. Waxaa kulankan lagu guddoonsaday xoojinta xiriirka guddiyada Golayaasha ee isku shaqada ah, sare u qaadidda tababarada wadajirka ah ee xubnaha iyo shaqaalaha Golayaasha, aqoon-isweydaarsiga iyo xog-isweydaarsi ku dhisan in Gole walba garab ku siiyo Golaha uu ka hor dhismay ama ka khibrad iyo tayo roon yahay.

8. Waxaa la isku afgartay in la dhiirigaliyo addeegsiga tiknoolojiyada casriga ah ee isgaarsiinta (Video Conferencing Technology) si xiriirka, aqoon-isweydaarsiga iyo xog-isweydaarsigu u noqdo joogto.

9. Waxaa la isla qaatay in Gole walba wadatashi isugu noqdo si looga fiirsado adeegsiga kalmadda ‘SHARCI-DEJINTA’ iyada oo kulankan lagu soo Jeediyey inay ku habboon tahay lana dhiirigaliyo adeegsiga kalmadda ‘XEER-DEJINTA’.

10. Si waafaqsan qodobka 6aad ee Heshiiska Isafgaradka Golaha Afhayeenada, kulanka 5aad wuxuu ka dhici doonaa Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho Abriil 2018.