U bood dhigaalka

Al-Bashiir: Waxaan Hirgelinnay Nidaam Maaliyadeed oo aan Dunida Horey loogu Arkin

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan al-Bashir ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu dhigay aasaaska nidaam cusub oo lagu ilaalinayo lacagta dowladda, musuqmaasuqana lagula dagaalamayo, waxa uu yiri, “Waa nidaam aan dunida meel kale ka jirin”.

Madaxweynaha dalka Sudaan Cumar al-Bashir  oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in nidaamkan Elektaroonigga ah oo waddankiisa laga hirgaliyay uu xakameynayo musuqmaasuqa lagu sameeyo hantida dowladda.

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay inaanuu jirin qof sharciga ka sarreeya, isagoo ballan qaaday inaan xukuumadiisu soo faragelin doonin qof kasta oo lagu soo eedeeyo falal musuqmaasuq ah, baaritaankiisana aan la hor istaagi doonin.

Madaxweyne al-Bashiir ayaa xusay in dhaqaalaha Suudaan uu ku jiro xaalad adag, waxa uuna qiray in faqrigu meel walba saameeyay dalkiisa.

Goobjoog News