U bood dhigaalka

Al-Jazeera Ma tahay in ay ka badbaadeyso dhibaatada ka taagan Khaliijka

Sheeko:War

Shaki kuma jiro in TVga Al-jazeera  uu 20 sano ee ugu dambeeyay  uu dowadda Qatar oo dhul ahaan iyo dad ahaamba yar uu dhulka kasoo qaaday taasi oo maanta uu ka dhigay dowladd si weyn uga dhex muuqata qariida caalamka.

Al-jazeera ayaa waxay noqotay  dariishad ama dallad ay ku tiirsantahay dowladda Qatar, sida ay ugu tiirsantahay oo kale dhoofinta shidaalka.

Fadliga Al-jazeera darteed ayaa waxaa dowladda Qatar u suurto gashay inay kaalin weyn ay ka ciyaarto siyaasadda Khaliijka, sidoo kale waxaa Qatar u suurto gashay inay marti galin doonto koobka ciyaaraha aduunka sanadka 2022 da.

Iyadoo arimahaas oo dhan ay jiraan ayaa hadana waxaa jira dhinaca kale cabsi weyn oo laga qabo in mustaqbalka Shabakadda Al-jazeera uu mugdi galo, sababo la xiriir dhibaatooyinkii ugu dambeeyay ee ka soo muuqday Khaliijka.

Al-jazeera ayaa horay waxay sabab unoqotay inay dhacaan dhibaatooyin Diblomaasiyadeed kuwaas oo ka dhex dhacay dowladda Qatar iyo dowladaha ay ka midka yihiin Masar, Sacuudiga,  iyo Ciraaq .

Sidoo kale waxaa jira dhibaatooyin ay Al-jazeera ay ka dhex hurisay dowladda Qatar iyo Masar ka dib markii uu dhacay taliskii madaxweyne Xusni Mabaarak, waxaa cirka isku sii shareeray xiisadda dagaal ee ka dhex taagan Qaahira iyo Dooxa markii hadana uu dhacay taliskii madaxweyne Maxamed Mursi dhibaatooyinkaas oo dhan waxaa huriyay TVga Al-jazeera.

Dhibaatooyin uu horseeday TV-ga Al-jazeera

Ka hor inta uusan xumaan xiriirka u dhaxeeya dowladda Qatar iyo dowladaha xiriirka u jaray waxaa jiray war-murtiyeed ay soo saareen dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka kaasi oo ku qotomay in weybseetka Al-jazeera uusan ka shaqeyn doonin labada waddan, iyagoo  hoosta ka xariiqay inuu baahiyo warar wax u dhibaya sharafta iyo karaamada iyo deganaasha  labada dal.

Isla go’aankaas waxaa dabo socday mid kale oo ay qaateen  4 dowladood oo caraba kuwaas oo gabi ahaan ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen dowladda Qatar, arrintaasi oo noqotay tii ugu xumeyd oo ka dhacda Khaliijka.

Xiriirka ka dhaxeeya dowladda Qatar iyo Al-jazeera

Waxaa jira xiriir aad iyo aad u weyn oo ka dhaxeeya dowladda Qatar iyo TVga Al-jazeera dowladda Qatar ayaa sanadkii 1996dii bishii November waxa ay aas-aastay TVga Al-jazeera iyadoo ku bixisay lacag dhan 150 Malyan, waxaana bixiyay lacagtaas  Amiirkii hore ee markaasi talada hayay Sheikh Xamda Binu Khaliifa .

Ujeedka ay dowladda Qatar ay u aas-aastay TVga Al-jazeera ayaa waxa uu ahaa inuu noqdo afhayeenka rasmiga ah ee dowladda Qatar iyo in Qatar ay u adeegsato arimo siyaasadeed oo ku aadan dowladaha Khaliijka iyo dersikaba.

Qatar ayaa Al-jazeera waxay u adeegstaa inay ku soo dhaweysato dowladda ay rabto markaasi iyo inay ku colaadiso oo ay ku riixdo dowladda ay Qatar is qabtaan.

Waxaa jira wadamo badan oo ka sheeganayo in dowladda Qatar ay faragalin ku hayso iyadoo adeegsaneysa warabaahinta Al-jazeera oo markaasi barnaamijyo tixano ah  ka sameyso dowladda ay Qatar isgaaraan.

Ilaa iyo hadda waxa ay Qatar ay bil walbo ay ku maalgalisaa Al-jazeera lacag dhan 30 milyan oo doolarka Mareykanka ah taasi oo uu bixiyo bil walba amiirka dowladda Qatar Shekih Tamiim binu Xamd Aala Thaani.

Waxaa muuqata in Al-jazeera ay ka awood badantahay  kana sareyso wakaaladda wararka Qatar iyo TVga afka dowladda ku hadlo ee Qatar kuwaas oo aan lagu bixin dhaqaalaha lagu bixiyo Al-jazeera.

Al-jazeera Malaxiraa mise waa La badalaa

Al-jazeera  waa inay  qaadataa  sharci ah inay isku shaadheyn ku sameyso siyaasadda tafaftirkeeda wararka ku aadan dowladaha xiriirka u jaray Qatar waa haddii ay dooneyso inay sii jirto sumcadeedana ay sii joogto.

Al-jazeera lama xirayo rayi ahaanteyda  balse waxa ay badaleysaa siyaasadeeda ku aadan dhanka faafreebka wararka xilli dowladda Sacuudi carabiya ay xirtay guud ahaan xafiisyadii ay Al-jazeera ay ku la heed magaalada Riyaadh ee caasimadda Sacuudiga iyadoo ay  dhici karto in dowladaha kalana ay xiraan si lamida Sacuudiga.

Dadka qaar ayaa waxay u arkaan Al-jazeera in loo aas-aasay inay ka shaqeyso isku dirka iyo xilaafka waddamada Khaliijka taasi oo la rumeysanyahay in iyadu horseed u aheyd inuu dhaco gugiga Carbeed.

Dowladaha deriska ayaa qaarkood waxa ay codsanayaan in guud ahaan la xiro TVga Al-jazeera kaasi oo laf dhuun taagan ku noqday, arintaani ayaa haddii ay dhacdo  waxay dharbaaxsho weyn ay ku tahay hanqal taagii ay dowladda Qatar ay ka laheyd mustaqbalka Al-jazeera iyo shaqaalaha ka shaqeeya warbaahintaan kuwaas oo kor u dhaafaya 3 kun oo qof kuna kala sugan magaalada Dooxa iyo guud ahaan daafaha caalamka.

W/Q: Jaamac Cali Shidane