U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Dagaal Ku Galay Degmada Ceelwaaq Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in saakay waabarigii ay dagaal ku qaadeen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ciidamada dowladda ee ku sugnaa degmadaasi ayaa la sheegay iney iska caabiyeen dagaalyahannadii weerarka ku qaaday Ceelwaaq, iyadoo halkaasi khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Inta la hubo Hal qof ayaa dagaalkaasi ku dhintey, iyadoo dhaawacna uu jiro, balse tirada rasmiga ah lama hayo.

Goob joogayaal ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalyahannada Al-shabaab ay gudaha u galeen xaafadaha degmadaasi.

Dhanka kale, Al-shababa waxay baraha ay ku leeyihiin Internetka ku sheegeen iney la wareegeen saldhigga iyo xarunta degmada.

Goobjoog News, oo xiriir la sameesay mas’uuliyiinta degmada Ceelwaaq si loo ogaado waxa ka jira in laga qabsaday inta degmadaasi ayaan inoo suurtagelin.

Goobjoog News