U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Dhowr Jiho Ka Weeraray Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo kuwo taabacsan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa ka socda deegaanno kamid ah gobolka Bakool.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in dhowr jiho ay ka weerareen deegaannada Abaal iyo Yabaal oo uu ku sugan yahay Abuu Mansuur, waxaana halkaasi ka socda dagaal xooggan.

Waxaa jira khasaare soo kala gaaray Labada dhinac sida Goobjoog News ay u sheegeen ilo xog ogaal ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay dagaalladan waxay sheegayaan in ciidanka Mukhtaar Roobow ay dib usoo riixeen dagaalyahannada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa tiro Seddex jeer ah saakay illaa iyo xilligan weeraray Mukhtaar Roobow, waxaana ay la kulmayaan iska caabin.

Warkaaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News