U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Gaadiid Kale Kasoo Qaafashay Gudaha Kenya

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Labo gaadiid ay kasoo qafaasheen gudaha Kenya,  kuwaasi oo laga lahaa dalkaasi.

Gaadiidkan ayaa marayey sida la tilmaamay deegaanka Cumar Jilacow oo ku dhow Mandhera, waxaana saarnaa dad shacab ah.

Maxamuud Saalax oo ah isku duwaha gobolka waqooyi bari ayaa xaqiijiyey in shacabkii saarnaa gaadiidkaasi aan waxbo la gaarsiin, ayna dagaalyahannadii qafaashay lasoo aadeen dhanka xuduudda.

Dhowaan ayeey ahayd markii ay Al-shabaab soo bandhigeen gaari uu lahaa xisbiga Xisbiga Jubilee oo ay kasoo qafaasheen gudaha dalka Kenya.

Dhanka kale, tani waxay kusoo beegmaysaa xilli maanta dalka Kenya ay ka jirto doorashada guud.

Goobjoog News