U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Lacag Madax Furasho Ah Ku Daayey Shaqaale Samofal

Sheeko:Dalka

Xakarakada Al-shabaab ayaa lacag madax furasho ah kusii daayey shaqaale Soomaaliyeed oo u shaqeynayey hay’ad samofal ah.

Dadkaan la qafaashay ayaa tiradoodu waxay gaareysay 7 ruux, waxaana ay qofkiiba dul dhigeen lacag dhan $4,150 (Afar Kun Boqol Iyo Kontan Doolar), iyaga oo sii daayey markii lacagtaasi la siiyey.

Shaqaalahan ayaa iyaga oo badqaba waxaa la keenay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Marka la isku daro wadarta lacageed ee lasiiyey Xarakada Al-shabaab ayaa gaareysa $29,050 (Labaatan iyo Sagaal Kun Iyo Kontan Doolar), lamana oga in lacagtaasi ay bixisey hay’adda Gareedo oo ay shaqaalahan ka tirsanaayeen iyo in kale.

Tani waxay baqdin ku abuurtay hay’adaha gudaha ee samofalka geyn jirey deegaannada K/galbeed.

Goobjoog News