U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Shacab Kenyan Ah Ku Dilay Mandhera

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ka geysteen degmada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Inta la xaqiijiyey 4 qof ayaa ku geeriyootay weerarkaan oo Al-shabaab ku qaadeen xaafad ay deganaayeen dad Kenyan ah oo aan gobolkaasi u dhalan.

Saraakiisha Booliiska Kenya ayaa sheegay in raggan ka tirsan Al-shabaab ay weerarkaan u adeegsadeen qaraxyo iyo sidoo kale rasaas toos ah,  iyadoo ay jiraan dad ku dhaawacmay weerarkaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Mandera Job Boronjo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in bandow ay kusoo rogeen Mandhera kadib weerarkii xalay, islamarkaana ay baaritaanno wadaan.

Waxaa sakay Mandhera ka soconaya howlgallo ballaaran oo ay wadaan ciidamada ammaanka dalka Kenya, waxaana ay baadigoob ugu jiraan dagaalyahannada Al-shabaab ee xalay weerarka ka geystay magaaladaasi.

Horraantii bishan sidan oo kale Al-shabaab waxay weerar uga fuliyeen degmada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana halkaasi ay ku dileen Lix qof oo shacab ah.

Goobjoog News