U bood dhigaalka

AMISOM Iyo Dowladda Soomaaliya Oo Iska Kaashanaya Istaratiijiyad Looga Hortagayo Xagjirka

Sheeko:Dalka

Shir saddex maalmood Daru Salaam, Tanzania uga socday AMISOM iyo hey’adda qaran ee ka hortagga xagjirka, isla markaana ay soo qaban-qaabisay safaaradda Royal Danish Embassy ee  fadhigiidu yahay dalka Ethiopia ayaa looga hadlay sidii Haweenka ay qeyb uga qaadan lahaayeen ka hortagga xagjirnimada. 

Shirka ayaa la sheegay in ujeedadiisu aheyd sidii dowladda federaalka ah looga taageeri lahaa dadaallada ay ugu jirto sidii haweenka aan loo bartimaameedsan laheyn, loona dhaqan gelin lahaa qorshaha Preventing and Countering Violent Extremism (PCVE)

Ku xigeenka madaxa Booliiska AMISOM Madam ChristineAlalo oo wakiil ka aheyd Ambassador Francisco Madeirasaid ayaa sheegtay in Haweenka loo adeegsan karo ka hortagga xagjirka.

Shirka waxaa ka qeyb-galay hey’ado, wadaaddo, haween iyo mas’uuliyiin ka socotay illaa 8 dal oo ay ka mid ahaayeen Somalia, Tanzania, Ethiopia, Nigeria, Kenya, Mali, Djibouti iyo Algeria, dalkaas oo qada qosrhe loogu magac daray ka hortagga xagjirka.

adadsa dsdsfsf sdsscan000315134067_1394263247278656_1707678324_o