U bood dhigaalka

AMISOM Oo Laba Ka Mid Ah Askarteeda u Xirtay Dilalka Ka Dhacay Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada AMISOM ee magaalada Marka ayaa sheegay in ay xireen Laba ka mid ah askartooda ka dib markii lagu tuhmay ku lug lahaanshiyaha dad shacab ah oo lagu laayay magaaladaasi.

Saraakiil ka mid ah AMISOM oo la kulmay qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Marka ayaa u sheegay in baaritaan lagu hayo falalkii lagu dilay dadka shacabka ah, islamarkaana ay xireen Laba ka mid ah askartooda.

Dhinaca kale golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi u xil saaray baaritaanka dilalka AMISOM ay ka geysteen magaalada Marka, kuwaasi oo sida ay wax u jiraan soo baari doona.

Mudanayaan ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaguna mar ay ka hadleen waxa ka dhacay Marka waxa ay ku sheegeen fal aad looga xumaado jawaab cadna looga baahan yahay AMISOM.

Sidoo kale dilalka AMISOM ay ka geysteen magaalada Marka waxaa aad u cambaareeyay qaar ka mid ah hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha kuwaasi oo ku baaqay in laga sameeyo baaritaan dhab ah iyo isla xisaabtan.

Falkii ugu dambeeyay ayaa ciidamada AMISOM waxa ay 31-dii bishii tagtay ku dileen magaalada Marka dad shacab ah, waxaana ku jiray Aabe iyo caruurtiisa.

Goobjoog News