U bood dhigaalka

Ammaanka Baydhabo Oo La Adkeeyay

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka K/galbeed ayaa adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay, kadib markii saraakiisha amniga ay horey u shaaciyeen iney ka taxadarayaan falal amni darro oo  ka dhaca magaaladaasi.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Baydhabo waxaa ku sugan ciidamo aad u badan kuwaasi oo baaraya dhammaan gaadiidka waddooyinkaasi maraya.

Waxaa la arkayaa ciidamada oo dejinaya dadka saaran gaadiidka, kadibna baaraya dadka iyo gaadiidka laga soo dejiyey.

Saraakiil u hadashay K/galbeed waxay sheegeen in amni adkeynta Baydhabo ay daba socoto kadib markii madaxda maamulkaasi ammar ku bixiyeen in bisha Ramadan inta lagu jiro aad loo adkeeyo ammaanka magaaladaasi, islamarkaana shacabka ay ku ciidaan si aan cabsi lahayn.

Ciidamada K/galbeed kaliya howlgalladan kama wadaan magaalada Baydhabo ee sidoo kale waxay ciidankan howlgallada ka wadaan magaalooyin kale oo hoostaga maamulkaasi.

Goobjoog News