U bood dhigaalka

Aqalka Sare: Eng. Cabdi Canshuur Oo Golaha Horgeeyay Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirka Wasiirka Boostada,  Isgaarsiinta & Teknology-da  Eng. Cabdi Canshuur  Xasan ayaa maanta waxaa uu Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka hor dhigay aqalka sare.

Kulanka maanta aqalka sare, waxaa soo xaadiray 36 Xildhibaan oo golaha ka tirsan, waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi, waxaa kaloo joogay guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari)  iyo guddoomiye ku-xigeenka Labaad Mowliid Xuseen Guhaad.

Wasiirka Wasiirka Boostada,  Isgaarsiinta & Teknology-da  Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa Xildhibaannada aqalka sare u akhriyay hindisaha, isaga oo sharaxaad ka bixiyay ahmiyadda sharciga u leeyahaya qaranka, waxaa uu sidoo kale codsaday in xildhibaannada iyaga oo tixgelinaya arrimaha uu xusay ay ansixiyaan.

Guddoonka aqalka sare ayaa  Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka ku wareejiyay guddiga ku shaqada leh, waxaana lagu wadaa in laga dodo maalmaha soo socda.

Warar Arrinkan La Xiriira:  Akhriso: Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka…Qodobbada Ugu Muhiimsan

Aqalka sidoo kale , waxaa ajendayaashiisa ka mid ahaa maanta  Go’aan ka gaarista fasaxa xajka iyo ciidda, waxaa kale oo dhowr Xildhibaan ka hadleen  Dagaallada Xeraalle, Duqeyntii ka dhacday Jubbada Hoose iyo arrinta Hirshabeelle, arrintaas oo guddiyada u xilsaaran loo diray in 24 saac gudahood ay xog golaha ku soo celiyaan.

Goobjoog News