U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Aan Wax Kulan Ah Yeelan Muddo Bil Ah

Sheeko:War

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya labadiisa aqal wax shaqo ah kama soconin maalmihii la soo dhaafay, arrintaas oo aan loo heyn sababo macquul ah.

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in aanu kulammadiisa  caadi ahaa qabsoomin muddo bil, oo kulankooda ugu dambeeyay waxaa uu ahaa September 11, 2017-kii maalintaas oo ay ka hadleen arrintii Qalbi-dhagax.

Xildhibaanno ka tirsan aqalka sare oo Goobjoog News la hadlay waxaa ay sheegeen in guddiyada joogtada ah ay shaqeeyaan balse aaney ogeyn sababta kulamada caadiga ah u baaqdeen.

Dhinaca kale golaha shacabka ayaan isna kulmin 17 maalmood, Xildhibaannada ayaa sheegaya in labo-jeer uu u baaqday Kooram la’aan, waxaa isna ugu dambeysay September 23-keedii kolkaas oo wasiirro ka tirsan xukuumadda Kheyre au golaha hor-tageen, una sharaxeen hindise-sharciyeedyo ay ka mid yihiin Saxaafadda iyo Mihnadlayaasha caafimaadka.

Labada aqal waxaa ay ku jiraan Kalfadhigii 2aad ee baarlamaanka 10aad, waxaana looga fadhiyaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin ansixinta shuruuc waxtar u leh dalka iyo dadka, waxaa kale oo horyaallada Mooshinno ay ku jiraan faragelinta Imaaraadka, arrinta Qalbi-dhagax iyo qaar kale, La xisaabtanka xukuumadda iyo matalaadda deegaan doorasho waa shaqo kale oo laga sugayo.

Goobjoog News