U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Laga Akhriyay Warbixin La Xiriirta Dib u Heshiisiinta

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha aqalka sare, waxaa maanta lagu qabtay kulankii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayey Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari).

29 Mudane ayaa codka kalsoonida siiyey Abuukaate Muumino Sheekh Cumar, taas oo Xubin ka noqoneysa Gudiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka kadib hortagitaankeedii Golaha Aqalka Sare.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa sheegay in si rasmi ah Abuukaate Muumino Sheekh Cumar ay uga mid noqotay Gudiga Qaabilsan Arrimaha Dastuurka.
Dhanka kale waxaa Golaha Aqalka Sare hortagay oo Warbixin laga dhageystay guddoomiyaga Gudiga dib-u-heshiinsiinta Qaranka, Ismaaciil Macalin Muuse.
“Waxaan tagnay meelo badan oo Soomaaliya ah runtii intii uu Gudigan jiray waxaan qabanay Shaqooyin badan, waxaase naga horyimid caqabado muuqda markaasna aanan anaku awood buuxda u laheyn, waxaa Qorsha gudiga Bid-u-heshiinsiint Qorshahiisa kamida in Deegaanadda Al Shabaab laga xoreeyo dib u heshiisiin laga sameeyo”ayuu yiri Ismaaciil Macalin Muuse
Sanatarada Golaha Aqalka Sare ayaa intaas kadib soo jeediyey in Gudiggan Dib-u-heshiisiinta la taageero cabashooyinkoodana lana xaliyo.
Goobjoog News