U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Maanta Ka Doodaya Khilaafka Siyaasadeed Ee Dowladda Federaalka Iyo Maamul Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa la filayaa iney ka doodaan arrimo la xiriira khilaafka siyaasadeed eek a dhex jira dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaarkood.

Kulankan ayaa intiisa badan looga hadli doonaa sida loo dhameyn lahaa mad madowga ka dhex jira dowladda iyo maamul gobaleedyada oo soo jiitamayey Labadii bilood ee ugu danbeysay.

Shir Kismaayo ay ku yeesheen illaa Shan maamul goboleed ayey kasoo saareen qodobo dhowr ah oo ay kamid tahay in wada shaqeyn buuxdo ay dhex marto iyo in ay isku siyaasad ay ka noqdaan dowladda dhexe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News