U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Soo Saaray Liiska Guddiga Senatorada Ah Ee Gurmadka Abaaraha

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa uu xaruntiisa Muqdisho ku yeeshay kulanka 8aad, kalfadhigiisa 39aad.

Kullankan waxaa joogay illaa 39 xildhibaan, waxaana u dhammaa guddoonka aqalka sare, Guddoomiye Cabdi Xaashi, guddoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mowliid Xuseen Guhaad

Kulanka  waxaa ay xildhibaannada ka doodeen warbixintii shalay ay soo gudbiyeen guddiga shaqaaleysiinta iyaga oo xildhibaannada ku taliyay in loo maro waddo cadaalad ah oo qofka lagu tixgeliyo aqoontiisa iyo baahida uu golaha qabo.

Dhinaca kale, guddoonka aqalka sare oo sida uu sheegay ogolaashiyo ka helaya xildhibaannada aqalka sare ayaa soo xulay guddiga gurmadka abaaraha kaas oo ka qeyb-qaadan doona sidii golaha ugu gurman lagaa una garab istaagi lahaa umadda waxyeellada ka soo gaartay abaaraha.

Guddiga Ayaa Kala Ah:

  1. Naciimo Ibraahim Yusuf
  2. Muna Cumar Xasan
  3. Iftin Xasan Iman
  4. Maxamud Axmed Maxamud
  5. Maxamed Cusmaan Faarax

Aqalka sare waxaa uu maalmaha  ku jiraa qaabeynta iyo nidaaminta golaha, lix guddi ayaa shaqo loo diray, guddiga astaanta aqalka sare waa guddiga keliya ah ee shaqadiisa dhameeyay, lana ansixiyay.

Wararka aqalka sare, mar walbo, kala akhriso Goobjoog News,