U bood dhigaalka

Aqalka Sare: Senatarro Uu Horkacayo Guddoomiyaha Oo Booqanaya Maamul Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu wafdi u diro maamul goboleedyada dalka.

Wafdigan oo xog wareysi u aadaya dhammaan maamullada dalka ka jira waxaa horkacaya guddoomiyaha golaha Cabdi Cabdi Xaashi, waxaa safarka ku wehlin doona 7 Senator,

Akhriso: Magacyada

  1. Guddoomiyaha Cabdi Xaashi Cabdullahi
  2. Sen. Axmed Cabdixafid Maxamed
  3. Sen. Cabdisalaam Xaaji Maxamed Dheere
  4. Sen. Xuseen Cali Xaaji Cabdalla
  5. Sen. Maxamed Cusmaan Faarax.
  6. Sen. Jawaahir Axmed Cilmi
  7. Sen. Deeqo Xasan Xuseen
  8. Sen. Muna Xasan Cumar

Aqalka waxaa ku jira 54 Xildhibaan oo matalada maamul goboleedyada dalka, waxaa loo dhisay in ay difaacaan danaha deegaannadaasi.

Goobjoog News,