U bood dhigaalka

Aqoonyahan Ku Eedeeyay Guddoonka Baarlamaanka Arrinta Wasiir Xoosh

Sheeko:Dalka

Falanqeeye Faysal Rooble oo ah aqoonyahan deggan dalka Maraykanka ayaa sheegay in khilaafka ka dhex taagan xildhibaannada golaha shacabka qaarkood iyo wasiirka Dastuurka ay tahay arrin barmadow ku ah guddoonka golaha shacabka.

Waxa uu eedeeyay guddoonka golaha shacabka gaar ahaan Afhayeen Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

“69 Dastuurka wuxuu sheegayaa in ay su’aalo weydiin karaan oo ay dalbadaan, laakiin Raysal wasaaraha ama wasiirka ay dalbadeen cudurdaar buu u keeni karaan, Jawaari waa uu ka seexday howlihii golaha shacabka, waxaana uu ku xadgudbay qodobo dastuuri ah” ayuu yiri Aqoonyahan Faysal Rooble.

Faysal Rooble ayaa sidoo kale ka hadlay sida loo xallin karo khilaafka golaha shacabka iyo wasiirka dastuurka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.

“Waxaan moodayaa in arrintaas mar hore laga fakar bixiyay oo la yiri arrintaa waxaa sharcigeeda leh maxkamadda sare, Xoosh wasiirnimadiisa waa wasiirka dastuurka, arrintani waxay ka dhaxaysa Golaha shacabka iyo maxkamadda ma ahan in wasiir Xoosh in lagu qabsado ma ahan” ayuu mar kale yiri aqoonyahan Faysal Rooble.

Hoos ka dhagayso:

Goobjoog News