U bood dhigaalka

Aqoonyahanno Ka horyimid Heshiiskii Dowladda Imaaraadka Iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si isku mid ah uga hor yimid heshiis u dhaxeeya dowladda Imaaraadka Carabta iyo maamulka Somaliland, kaasi oo ku aadan in dowladda Imaaraadka ay magaalada Barbara ka furato Saldhig Milatari.

Aqoonyahan C/raxmaan Daqare oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in marnaba aanu sharci ahayn heshiiskaasi, ,islamarkaana waxa uu tilmaamay in dowladda Federaalka oo kaliya ay heshiis la geli karto wadamada caalamka.

Somaliland ayuu sheegay inuu yahay maamul kamid ah Soomaaliya, islamarkaana wixii arrin qaran ah ay dowladda saxiixi karto.

“Somaliland waa maamul goboleed, macquulna ma ahan iney iyadu dal la heshiiso, dowladda Federaalka waa in ay arrintan ka hadashaa, sidoo kalena Imaaraadka waa inaanu ku degdegin heshiiskaasi iyadoo aaney dowladda la socon” ayuu yiri Daqare.

Dhanka kale aqoonyahan Shariif Roobow oo isna qabiir dhanka ciidamada ah ayaa sheegay in saldhigyada sidan oo kale ah ay keeni karaan dhibaato amni iyo mid deegaan, sidaasi darteedna loo baahan yahay in Labo dowladood ay ka arrinsadaan arrintaasi.

“Imaaraadka waxa uu sharaf dilayaa dowladdii dhexe ee dalka, waxa uu kamid yahay Jaamacadda Carabta, waxayna jaamacadda Carabta u aqoonsan tahay Soomaaliya Jamhuuriyad mid ah, haddii ay keenaan in maamul goboleed la heshiiyaan waa in dacwad lagu furaa” ayuu yiri Shariif Roobow.

Axadii aynu kasoo gudubnay baarlamaanka Somaliand ayaa isaga oo gacan ka hadal dhexmaray waxay hadana inta badan meel mariyeen heshiiska ay la gaareen dowladda Imaaraadka carabta.

Goobjoog News