U bood dhigaalka

Arday Mareykan ah oo Dacwad u Haystay Madaxweyne Trump oo loo Xukumay 25 Milyan Oo Dollar

Sheeko:War

Garsoore u dhashay dalka Mareykanka oo ka soo jeeda magaalada San Diego, California ayaa Jimcihii 31, March, 2017 soo saaray xukun is afgarad ah oo $25 milayn oo dollar loogu ku xumay 4 kun oo arday oo horey u dhigan jiray jaamacadda Trump.

Sanadkii 2013 ayaa ardayd hore ee u dhiganeysay jamaacadda Trump ee saldhigeedu ahaa magaalada New York ayaa dacwad ku soo oogay jaamacadda oo ay ku eedeeyeen in si xeeladaysan lacag looga qaatay, iyadoo markii hore loo sheegay in ay taajiriin  noqonayaan sida Trump oo kale, farsamooyin dhanka suuqa ah oo casiri ahna la bari doono.

Garsooraha Gnzalo Corell ayaa ogolaaday lacag xal meel dhexe ah lagu gaaray oo November sandkii 2016 loo go’aamiyay 4 kun oo arday, ardaydan ayaa helaya magdhaw 90% lacagihii kaga baxay waxbarashada jaamacadda, waana sida Chennelka CNN uu sheegay.

Lacagta ay jaamacaddu bixineyso oo ay soo bandhigtay 10 cisho un kadib markii uu ku guuleystay madaxweyne Trump doorashooyinka Mareykanka, ayaa meelmarinteedu  waxa ay u baahnayd ogolaanshiyo garsoore, si sifo sharci ah loogu maro fulinta.

Jaamacadda Trump oo la aasaasay sanadkii 2005, ayaa u ballanqaaday ardaydii ka tirsaneyd iney baridoonto qaabka maalgashiga ee u suurtogelinaysa iney taajiriin noqdaan dhinaca ganacsiga iyo dhismayaasha, iyadoo la barayo xeeladaha Trump, laakiin jaamacaddii ayaa si degdeg ah u xirantay 5sano kadib, sabab aan la garaneyn awgeed.