U bood dhigaalka

Kenya: 92 Jir Dhigata Dugsi Hoose

Sheeko:War

Markii ay soo hanaqaadday dalka Kenya waxaa joogay gumeystihii Ingiriiska oo aan dumarka u ogoleyn xilligaas iney waxbartaan, hadda oo ay da’deedu tahay 92 jir waxay ku biirtay dugsi hoose si ay u jiheyso ummad dhan.

Waxbarashadeeda waxay bilowday 5 sano ka hor oo ay ka bilowday iskuulaadka lagu diyaariyo ardayda inta aaney iskuulka la geyn, hadda waxay dhigataa fasalka 4-aad.

Haweenaydan oo la yiraahdo Priscilla Sitienei ayaa tiri; “Waxaan leeyahay caruur aan Ayeeyo u ahay iyo kuwo ay sii dhaleen oo iskuulka iyo waxbarashada iska daayay. Arrinkaa aad ayaan uga xumaaday, sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan u cadeeyo in waxbarashadu ay tahay shey muhiim ah”.

Ardayadda Ugu Da’da Weyn

Markii dalka Kenya uu ku jira gacanta gumeystaha cusbitaaladu mey ahayn kuwo kaydiya warqadaha dhalashada, sidaa darteed lama xaqiijin karo xilliga rasmiga ah ee ay dhalatay, haddana Priscilla waxay sheegaysaa iney dhalatay sanadkii 1923-dii oo ah xilli ay dalka Kenya ka jirtay abaaro aad u ba’an oo dadka iyo duunyadaba saameeyay, waxay leedahay dadka qaraabadeyda ah ayaa ii sheegay in aan xilligaa abaarta ah dhashay.

Marka ay waxbarashada ka hadlayso si xamaasadeysan ayay uga hadashaa, waxayna tiraahdaa, “Ardayda yaryar waxay igu yeeraan Ayeeyo annagoo wadahadlayna oo aan la ciyaarayo waliba, iskuulka aad ayaan u jeclahay”.

Maamulaha iskuulka Leaders Vision Preparatory School oo la yiraahdo David Kinyanjui ayaa yiri: “Ardayda kale aadbay ula talisaa, wax kastana wey kala qeybgashaa oo ay ku jiraan xiisadda ciyaarta, waxayna aad ugu fiican tahay Xisaabta iyo Sayniska, waxayna aad ugu fiican tahay sheekooyinka”.

Saddex caruur ah oo ay ayeeyo u tahay ayaa iskuulka la dhigta, aadbay ula tartantaa dhanka waxbarashada iyadoo isku dayda iney ka buundo fiicnaato. Sanadkii hore ee fasalka 3-aad iyadaa kaalinta koowaad gashay, caruurtay ay ayeeyada 2-aad u tahay markii ay arkeen iney ka sare martay aad ayay qaarkood u ooyeen iyadoo arrintaasina ay si wanaagsan u dhiirigalisay haddana ay u shaqeynayaan sidii ay uga sare mari lahaayeen.

Waa Ayeeyo ayaa go’aansatay iney hagto jiil dhan waxbarashadana ku dhiirrigeliso, iyadoo aan eegayn dadka kale waxa ay orandoonaan iyo da’deeda toona.

Sitienei haddii ay hesho caddeyn adag oo taageeraysa da’deeda waxay noqoneynaysaa ardayadda ugu da’da weyn dunida waxayna fursad u heli doontaa in lagu qoro buugga Gunness World Records oo ah buugga lagu qoro dhacdooyinka ugu cajiibsan dunida.

Goobjoog News