U bood dhigaalka

Ardeyda Somaliland Oo Ka Xumaatay Timo Jarista Ay Xukuumadda waddo

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah dhallinyarada magaalada Hargeysa ayaa walaac ka muujiyey howlgallada ay ciidamada Booliska ay ka wadaan magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, howlgalkaan ayaa u jeedkiisu waxaa uu yahay in dhallinyarada laga xiiro timaha.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa gudaha maagalada Hargeysa waxaa lagu arkayey ciidamada Booliska oo baacsanaya dhallinyarada si ay uga jiraan timaha gaar ahaa qeybta kore ee madaxa.

Dhallinyarada ayaa sheegay in howlgalkaan uu saameyn ku yeeshay waxbarashooda isla markaana aysan tagin koobaha waxbarashada tan iyo markii uu bilowday howlgalkaan.

Dhallinyarada qaar ayaa sheegay in ciidamada booliska ay ula dhaqmeen si xun markii ay ku fulinayeen howlgalkaan tima jarista ah.

Mid ka mid ah dhaliyarada oo la hadlay Goobjoog News  ayaa sheegay in uu ka xun yahay habka dhaqanka ay ciidanku wadaan, taasi oo ah si bani’aadanimada ka baxsan ay timaha uga jaraan ardeyda jaamacaha.

Qaarkood ayaa soo jeediyay in marka hore ardeyda la wacy-geliyo inta aan tillaabo noocaas ah la qaadin.

Mid kale ayaa waxaa uu yiri “Muuse biixi maanta waxaan ka sugeynay inuu hay’adaha soo magacaabo inuu taliyaasha ciidanka uu soo magacaabo in barnaamijyo kale ee waa weyn uu keeno oo ay ugu horeyso in lala dagaalamo musuqa dalka ka jira,balse in la dhaho ilmo yaryar oo tinta soo xiirtay shaqo ayaa laga qabanayaa arrintaasi aad ayaan uga soo horjeedaa”.

Culimada diinta ayaa howlgalkaani si weyn u soo dhaweeyay isla markaana u arka mid dib loogu soo celinayo dhaqanka wanaagsan ee Islaamka Sheikh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi oo ah guddoomiyaha guddiga wanaag farka Somaliland ayaa sheegay in howlgalkaani ay iyagu qeyb ka yihiin .

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada