U bood dhigaalka

Askari Buug Ka Qoray Sababta Aan Loo Baahin Sawirrada Meydka Osama

Sheeko:War

Askarigii dilay hoggaamiyahii hore al-Qaacida  Osama Bin Laden, ayaa alifay buug cusub oo uu kaga hadlay dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa iyo sidii ay u fuliyeen howlgalkii Putabad ee gudaha dalka Pakistan ka dhacay sanadkii 2011, isagoo faahfaahin dheeri ah ka bixiyay sababta loo baahin waayay sawirrada maydka Osama bin Laden.

Jariidada caanka ah ee Business Insider ayaa qoray in kitaabkan oo la yiraahdo The Operator ee uu alifay Robert O’Neill askari hore oo ka tirsanaa mariiniska Mareykanka, ayaa waxaa uu kaga hadlay faahfaahin cusub oo ku saabsan dilkii hoggaamiyaha al-Qaacidda.

Askariga oo ka hadlay qaar ka mid ah dhacdooyinkii howlgalka ayaa waxa uu xusay in uu ka yara dambeeyay saaxiibadii ay isku kooxd ahaayeen ee SEAL, xilligii ay howlgalka ku hayeen gurigii uu daganaa Bin Laden oo ka koobnaa 3 dabaq, markii ay koreen dabaqii ugu sarreeyay waxaa mar kaliya isqabsatay, ayuu yiri, rasaas xooggan oo uu soo ridayay wiil uu dhalay Osama oo la oran jiray Khaalid oo markaa watay qoriga AK-47, O’Neill ayaa yeeshganay inuu Khaalid wajiga rasaas kaga dhuftay.

O’Neill oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay sii koreen dabaqa 3aad isaga iyo nin ka mid ah ciidanka sahanka oo aanuu magaciisa sheegin, waxaan galnay ayuu yiri qolkii jiifka Osama, waxaan ku aragnay, ayuu yiri, 2 haween ah iyo Osama, waxa uu sheegay in isagu uu xabadda ku furay Osama, halka askarigii kale uu Labo haween ah uu qolkii ku dilay.

Sida ay sheegayso jariidada New York Daily News, ee ka soo baxda dalka Mareykanka ayaa O’Neill waxa uu u sheegay in wax ilbiriqsi ka yar uu ku dilay Osama Bin Laden rasaastana uu madaxa kala helay.

Jariidada SOFREP ee caanka ku ah faafinta howlgallada gaarka ah ee ciidanka Mareykanka ayaa sheegaysa in kooxda SEAL ay dilka Bin Laden ay xabaddo farabadan korkiisa ku dhameeyeen. Halka ilo kalena ay sheegayaan in ay askartu isku bedbedaleen oo ku dhawaad 100 xabadood ay ku dhufteen jirka Osama xitaa markii uu dhintay kadib.

Murphy oo horey uga  tirsanaa ciidanka Mareykanka ayaa sheegay in faafinta sawirrada Bin Laden ay Mareykanka ku noqon lahayd fadeexad caalami ah, maadama dilka loo geysay qaab ka badbadis ah.

Buugga O’Neill ayaa waxaa ku qoran in Maydka Bin Laden la geeyay Afghanistan si loo hubiyo kadibna waxaa loo gudbiyay markabka Carl Vinson CVN-70 si dhanka badda loogu aaso, 2 May 2011, goob ka tirsan Badda Carabta ayaa lagu aasay meydka Osama.

Goobjoog News