U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Arday Ku Dhaawacay Degmada Dayniile

Sheeko:Dalka

Askari la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa uu rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen arday, kaas oo ku sugnaa xaafadda Oodweyne ee degmada Dayniile.

Askariga ayaa la sheegay in uu ku sugnaa goob laga raaco gadiidka, waxaana la ogeyn sababta uu garigaasi u rasaaseeyey, iyadoo la sheegay in halkaasi ay ku dhaawacmeen 4 qof oo Saddex ay yihiin Arday.

Dadkii dhaawaca ahaa ayaa loola cararay Isbitaalka degmadaasi, waxaana la xaqiijiyey in Oday kamid ahaa dadkii dhaawacmay uu halkaasi ku dhintey.

Goob jooge ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa u sheegay Goobjoog News in askariga markii uu rasaasta furay kadib uu ka baxsaday halkaasi, isaga oo raacay Mooto.

“Askarigan Tuute ayuu qabay, waxaana uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, rasaas ayuu ku furay gaari ay saarnayeen dad u badan ardey, Afar qof ayaa dhaawacmay, Oday kamid ahaa dadkaasina Isbitaalka ayuu ku dhintey, askarigiina waa uu baxsaday” Goob joogaha ayaa sidaasi inoo sheegay.

Dhanka kale ehlada dadka ay waxyeellada soo gaartay ayaa la sheegay iney aadeen talisyada ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Dayniile, loona sheegay in degdeg wax looga qaban doono.

Goobjoog News