U bood dhigaalka

Askari Ka Trisan Booliska Somaliland oo Qoray Buug uu Ku Wacyigelinayo Bulshada

Sheeko:Dalka

Jaamac Yuusuf Xaad oo ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland ayaa qoray buug ku saabsan shaqada Boolisku u hayaan bulshada iyo qaabka loogu baahan yahay iney ula dhaqmaan dadweynaha.

Buuggan oo loo bixiyay Af-garad ayaa ah mid loogu talogalay sidii shaqada Booliska loogu baraarujin lahaa bulshada; ciidankana loo xasuusin lahaa iney bulshadooda u naxariistaan, ayaa lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa.

Jaamac Xaad oo ka warramay Ujaadaka buuggan uu ka lahaa ayaa yiri ”Buuggan waxaan qoray ka dib markii aan arkay baahida loo qabo in la fahmo shaqada Booliska iyo meesha ay ugu jiraan shacabka sidoo kale-na in Boolisku fahmo waajibaadka shaqo ee shacabku ka sugaayo oo ay ka mid tahay naxariis iyo sharci ilaalin”.

Askarigan oo ah kii ugu horreeyey ee Booliska Somaliland ka tirsan oo wax ka qora mawduuca sidan oo kale ah, ayaa waxa uu sheegay in looga baahan yahay iney akhristaan ciidamadu si ay ugu baraarugaan shaqadooda oo u baahan in si sax ah in loo guto.

Maxamed Jaamac Xaad oo ah askariga buugga Af-garad qoray  waxa uu ka tirsan yahay  kooxda Goodir ee wacyigelinta u qaabilsan Booliska waxa uuna horey u sameeyey barnaamijyo wacyigelineed oo bulshada iyo Booliskaba loogu talogalay.

Intii ka dambaysay burburkii Soomaaliya askarta ayaa noqotay dadka shaqo ahaan ugu hooseeya, iyada oo inta badana la qoro dad aan waxbarasho soo marin, taas oo hoos u dhigtay shaqadii fiicneyd ee laga filayay.

Goobjoog News