Askari Lagu Dhexdilay Masjid Ku Yaalla Degmada X/jajab Ee Muqdisho

Dil ok

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho ku dhex dileen askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Masjidka wax lagu diley oo ku yaalla inta u dhaxeysa Buunoodyinka, gaar ahaan dhanka degmada X/jajab ayaa la sheegay in xilliga dilka uu dhacayey uu askarigan halkaasi ka dhageysanayey Kitaab Fiqi ah.

Dadka deegaanka ayaa askarigan magaciisa ku sheegay Maxamed Cumar, waxaana ragga wax dilay ay ka baxsadeen halkaasi.

Ciidamada dowladda oo dilka kadib gaarey masjidkaasi ayaa bilaabey iney halkaasi howlgallo baaritaan ah ka sameeyaan, walow aan la sheegin cid ay ku qabteen howlgalkaasi.

Maamulka degmada X/jajab iyo taliska Booliiska ee degmadaasi weli kama aaney hadal dilkaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News