U bood dhigaalka

Astana: Wareegii Todobaad ee Wadahadllada Looga Arrinsanayo Suuriya Ayaa Ka Furmay

Sheeko:Dalka

Magaalada Astaana ee caasimadda dalka Kazakhstan  waxaa ka furmaya wareegii todobaad ee wadahadallada looga arrinsano xal u helidda dhibaatada Suuriya.

Wada hadalladan ayaa waxay socon doonaan muddo labo maalin ah waxaa uuna ujeedkooda yahay in xal lataaban karo loo helo Suuriya.

Ilo wareedyo Suuriyo ah ayaa waxay sheegayaan inay gaareen wafuud ka socda mucaaradka  magaalada Astana waxaana shirka laga soo saari doonaan qodobo si loogu heshiiyo xalinta dhibaatada Suuriya.

Qodobada looga hadlayo waxaa ka mid noqon doona arrimaha la xiriira dadka xiran kuwa lakala qafaasahay, iyo in kaalmooyin la gaarsiiyo goobaha go’doonsan oo ka mida gobollada dalkaasi.

Wadahadllada Astana ayaa waxaa la qabtay bishii May, 2016 mana jirto ilaa iyo hadda wax natiijo ah oo laga gaaray.

Goobjoog News