U bood dhigaalka

Atoore Hollywood-ka ah Oo Ururiyay 1.9 million Oo Dollar Si Abaarta Soomaaliya Wax Looga Qabto

Sheeko:Dalka

Atooraha Hollywood-ka Ben Stiller iyo koox asxaabtiisa ah ayaa wado qorshe ku aruurinayaan illaa 2 Milyan oo Dollar si loo caawiyo dadka ay abaarta ku saameysay gudaha Soomaaliya.

Ben Stiller  ayaa hindisahan waxaa uu sidoo kale doonayaa in ay ku soo biraan dad caan ah oo ay ka mid yihiin  Lewis Hamilton,  Emma Watson iyo  Carla Delevingne, ujeedaduna waa in la taageero  Love Army for Somalia, oo hadda ururisay lacag dhan $1.9 million, lacagtaasi waxaa bixiyay in ka badan 68 kun oo qof oo caalamka kala jooga.

Kooxdan waxaa ay ugu horreyn ka codsadeem diyaaradda Turkish Airlines  in ay gargaarka u soo qaado Soomaaliya iyaga oo cod ay duubeen Vine iyo Snapchat-ka ninka lagu bartay  ee Jerome Jarre, la gaarsiiyay shirkadda, tiiyo ay maamulka diyaaradda aqbaleen, waxaa isla markiiba lacag bixiyay dad magac leh oo ay ku jiraan Colin Kaepernick, Wilson Chandler, Casey Niestat iyo Calvin Harris.

Diyaarad Turkish Airlines oo sida illaa 60 Tan oo cunto ah aya laga wadaa in ay Muqdisho timaado isniinta soo socota, si dadka baahan loo caawiyo.

Kooxdan waxaa ay lacagta ku ururiyeen GoFundMe, waxaa xusid mudan in ay jiraan rag kale oo is xil-qaamay, waxaa ka mid ah Colin Kaepernick iyo mucjisada YouTube  Casey Neistat.

Love Army for Somalia waxaa lagu wadaa in Soomaaliya keenaan bariis, saliid, Buskut, bur, sonkor, waxaa la sheegayaa in ay adeegsan doonaan hey’adaha Mareykanka ah ee hadda Soomaaliya jooga.

Abaar Soomaaliya ka dhacday 2011-kii, waxaa ku dhintay in ka badan 260,000, waxaana laga cabsi qabaa in dhibaatadaasi ay mar kale soo laabto.

Ben Stiller waa atoore Mareykan ah oo 51 jir ah, Hollywood, waxaa uu sameeyay filimaan illaa 50 gaaraya, waxaa uu helay abaarmarinno ay ku jiraan Emmy iyo MTV, waxaa uu sidoo kale caan ku yahay shactirada.

Goobjoog News