U bood dhigaalka

Axmed Madoobe: Safarkeenii Cadaado Wuxuu Muujinayey Soomaalinimo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo dib ugu laabtay magaalad Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegay in Soomalinimo uu muujinayey safarkoodii ay ku tageen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Wuxuu sheegay in fursad kaloo muhiim ah ay ahayd tagistoodii Cadaado, halkaasi oo uu tilmamay in wadahadallo ay kusii galeen madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug.

“Fursad aad u weyn ayeey ahayd inaan tagno Cadaado, waxaana safarkenii uu muujinayey Soomalinimo, waxaan u tagnay halkaasi inaan ka qeybgalno Caleema saarka madaxweynaha Galmudug, waxaana uga sii faa’ideysannay iney sii wadahadlaan madaxda Puntland iyo Galmudug si loo muujiyo wanaag iyo wada shaqeyn” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyn sheegay in shacabka Cadaado uga mahadcelinayo sidii ay usoo dhoweeyeen dhammaan wufuudii gaaray Cadaado.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa magaalada Cadaado ku kala saxiixday heshiis ku aadan sidii looga shaqeyn lahaa nabadda iyo dhexgalka shacabka Mudug.

Goobjoog News