U bood dhigaalka

Axmed Madoobe “Yaa La Xukumayaa Haddii Maalin Walbo Boqolaal Ruux Ay Micno Darro Ku Dhimato”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii dadka badan lagu laayey ee shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Madoobe ayaa soo jeediyey in dowladda ay xoojiso sugista amniga, isaga oo shacabkana ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa is weydiiyay cidda la xukumi doono haddii shacabka maalin walbo lagu laayo qaraxyo iyo wax lamid ah.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale guud ahaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed in la yareeyo arrimaha siyaasadda oo amniga sidii wax looga qaban lahaa loo soo jeesto.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed usoo jeedinayaa iney garab istaagaan ciidamada ammaanka, iney noqdaan wardoonka dhabta ah ee jira, iney sheegaan qaladka ay arkaan, iney sheegaan gaadiidka sida xun u socda, xukuumadda iyo siyaasiyiinta Soomaalida waxaan oran lahaa culeyska badan ee siyaasadda intii la yareeyo aan amniga usoo jeedsanno, oo amniga wax laga qabto, maxaa la xukumayaa haddii maalin walbo Boqolaal dhimato oo micno darro ku dhimato, oo agoonta inagu badato, waxaa wax lagu xukumi karaa in marka hore ay dadku amni helaan, ha wada shaqeeyaan ciidamada amniga iyo shacabka, qofka manaxa ah ee wax geysanaya meel uu galo hala waayo, maanta cid walba wey arkeysaa in ninkaan aanu cidna dan ka lahayn, shacabka aad baan ugu celcelinayaa iney ciidamada amniga la shaqeeyaan, garabsiiyaan” ayuu  yiri Axmed Madoobe.

In ka badan 50 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootey qarax xooggan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News