U bood dhigaalka

Baardheere: Barakacayaal Codsaday Gurmad Gargaar

Sheeko:Dalka

Qoysaska ka soo barakacay Abaaraha kajira dalka ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa xiligaan codsanaya in la gargaaro, maadama ay sheegayaan in aysan heysan cunno ay ku afuraan.

Buulle Duqow Hire waa Aabe Qoyskiisu ay ka kooban yihiin ilaa 11 ruux, kana mid ah Qoysas ka soo barakacay degmada Diinsoor oo deggan xerada Xabaal Caddey ee ku taalla duleedka Baardheere, muddo haatan laga joogo ilaa Lix bilood, waxaana Gooboog uu u sheegay Barakacayaasha degan Xeradaasi in ay lasoo deristey dhibaato nolol xumo.

Buulle ayaa intaasi ku daray dadka aanan haysan wax ay ku afuraan, islamarkaana deggan Xerada Xabaal ay tiradoodu ku sheegay in ay gaarayaan ilaa 300 oo qoys, waxa uuna ugu baaqey hay’adaha samafalka iyo dadka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan sidii afurin loogu sameyn lahaa Barakacayaasha.

“Kolley xaaladda dalka ku sugan yahay cid walbo waa ay ka warqabtaa, waxaan u baahannahay gurmad dhan walbo leh, hadda Ramadan ayaa lagu jiraa Afur ma haysanno, waxaan dalbaneynaa in Afurin naloo sameeyo” ayuu yiri Buulle.

Guud ahaan barakacayaasha Soomaaliyeed ayaa xilligan lagu jiro Ramadaanka u baahan gurmad, si ay u helaan raashiin ay ku afuraan kuna Suxuurtaan.

Goobjoog News