U bood dhigaalka

Baardheere: Roobkii Da’ay Oo Saameeyay Beeraleyda (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Roobab ka da’ay Gobolka Gedo, ayaa sabab u noqday in uu Wabiga Jubba uu fatahaad sameeyo, waxaana uu saameeyay dalagyo dhul beereed ah iyo matooro loo isticmaalo waraabka Beeraha, khasaaraha ugu badan waxaa la soo sheegayaa in uu u geystay dhulka beeraha iyo Matooradaasi ay saarnaayeen.

Maxamed Cabdiraxmaan Matow waa Gudoomiyaha guddiga beeraleyda degmada Baardheere, waxa uu Goobjoog News sheegay in khasaaro xooggan ay soo gaareen Beeraleyda.

Inta la ogyahay ilaa 400 oo beer oo xilligaan ay ka baxayeen dalagyo kale gedisan ayaa khasaaray, isagoo sheegayna in weli ay jirto cabsi kale oo la xiriirta fatahaado kale oo uu wabiga geysto.

Hareeraha Wabiga oo ay deganaayeen Qoysas badan ayaa lasoo sheegayaa inay halkaasi ka barakaceen dadkii deganaa, si uusan saameyn ugu yeelan roobabka da’aya iyo Wabiga Jubba oo laga baqayo in mar kale fataho.

Sawir dhul beereed ku yaala Tuulada Seinley oo webiga uu ku fatahay Sawir Dhulbeereedka uu ku fatahay webiga ee Tuulada Serinley (1) Sawir Fatahaada Webiga Juba ee Dhul beereedka