U bood dhigaalka

Baarlamaanka Galmudug Oo Maanta Loo Gubinayo Jadwalka Doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta oo Sabti ah waxay baarlamaanka maamulkaasi usoo gudbin doonaan jadwalka doorashada madaxweyne ee maamulkaasi.

Xildhibaan Xasan Cali Dhuux oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Galmudug oo u la hadlag Goobjoog, ayaa sheegay in howsha doorashada Galmudug ay tahay mid si wanaagsan u socota.

Guddiga ayuu tilmaamay in dhammaan waxyaabihii looga baahnaa doorashada, jadwalka iyo wax walbo oo looga baahan yahay ay baarlamaanka maanta u keeni doonaan.

“Maanta oo Sabti ah waxa uu guddiga doorashada inoo keeni doonaaa jadwalka doorashada madaxweynaha, kadibna saxaafadda ayaa loo soo bandhigi doonaa, shaqada doorashadana si wanaagsan bay u socotaa” ayuu yiri Xildhibaan Dhuux.

Dhanka kale xildhibaanka oo aynu wax ka weydiinnay kaalinta dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay doorashadan ayuu sheegay in ay taageero weyn u hayso doorashada Galmudug, dowladuna ay tahay middii dalka oo dhan maamuleysay.

Baarlamaanka Galmudug ayaa lagu wadaa in 10-ka bishan April ay magaalada Cadaado ku doortaan madaxweynaha maamulkaasi.

Goobjoog News