U bood dhigaalka

Baarlamaanka Oo Dhageystay Akhrinta Labaad Ee Sharciga Isgaarsiinta

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dhageysteen akhrinta Labaad ee hindise sharciga Isgaarsiinta.

Kulanka maanta waxaa shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar, waxaana soo xaadiray 142 xildhibaan.

Sharcigaan Isgaarsiinta oo gacanta uu ku hayo guddiga warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Baarlamaanka ayaa horay dib loogu celiyay, iyadoo qodobo dhowr ah dib u habeyn lagu soo sameeyay.

Sharcigaan waxaa maanta mudanayaasha baarlamaanka ka hor akhriyay Xildhibaan Yuusuf Maxamed.

Gudoomiyaha guddiga warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo halkaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay faa’idada uu leeyahay sharcigaan.

Waxa uu sheegay mudanaha in hadii uu meel maro sharcigaan ay dowladda dhaqaale badan ka heli doonto, isaga oo ku baaqay in la ansixiyo.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in Akhrinta Seddaxaad ee sharcigaan sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda gelayo, islamarkaana Muddo Seddax maalin ah gudaheeda loogu codeyn doono.

Goobjoog News