U bood dhigaalka

Baay: Dad Hor Leh Oo U Geeriyooday Biyo Sumeysan Oo Ay Cabeen

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaaanaya gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in dad hor leh ay deegaanka Masuubiyow ugu geeriyeedeen biyo Sumeysan oo ay cabeen, xilli maalintii shalay ahayd halkaasi laga soo wariyey dhimashada 30 qof.

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee maamulka Koonur Galbeed Isaaq Maxamed Mursal oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in 2 qof ay habeenkii xalay ahaa ku geeriyoodeen deegaankaasi.

Waxa uu sheegay agaasimaha sidoo kale in gaadiidka gurmadka degdegga ah ay u diri doonaan deegaanka Masuubiyo oo qiyaastii 20 KM u jira magaalada Baydhabo si dadka xaaladoodu liidato halkaasi looga soo qaado.

Wadarta dadka ku dhintey deegaanka Masuubiyow ee gobolka Baay ayaa tiro ahaan waxay ka badan yihiin 30 ruux, waxaana sidoo kale xaalad adag ku jira 20 kale.

Dadkan ayaa ku sumoobay Warbiyood ay biyo ka cabeen, iyadoo illaa hadda la ogeyn cidda sumeysay wartaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale