U bood dhigaalka

Bakaaraha: Suuqa Oo Gubanaya, Waa Marii 3aad Sanadkan

Sheeko:Dalka

Waxaa goordhaw dab Ku bilowday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.

Dad degan xaafadda Black Sea oo LA  hadley ayaa Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in shacab badan Ku sii qul-qulayaan goobta dabka si  ay u hubiyaan dukaamanka ay wax gaareen.

In kasta oo aan LA Hubin khasaaraha dhabta, Dharka, Maacuunta, Raashin iyo Bagaash ayaa lava shaki qabaa in khasaaro badan soo gaartay.

Suuqa Bakaaraha ayaa gubanaya xilli aan weli LA dhisin dukaamankii Ku baaba’ay dabkii hore.

Warakan dabka iyo badbaadada socota, kala soco, Goobjoog News