U bood dhigaalka

Bangiga Dhexe Oo Daabici Doona Sh.10 Kun Iyo Sh.20 Kun Isku Dheggan

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay lacagaha been abuurka ah, lacag cusub oo la sameyn doono iyo ciqaabta qofkii lacag been abuur ah sameeya.

“Waxaa jira lacago been abuur ah oo dhawaan la soo geliyay suuqyada magaalooyinka dalka, lacagtaasi saameyn ayay ku yeelatay nolosha bulshada, marka waxaan  ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliya iyo dowladd goboleedyada in ay wax ka qabtaan lacagasi”, Ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

“Bangiga dhexe iyo hey’adda u xil saaran waxaa ay ku howlan yihiin in lacag cusub la soo daabaco oo aan la ben abuur karin, dadka fal dambiyeedkaas lacagta been abuurka wadana in laga joojiyo arintaas,” ayuu intaasi ku daray

Guddoomiye Bashiir, oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale, xusay in laamaha Bankiga dhexe ee magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo la diyaariyay isla markaana meelaha kale gacanta lagu hayo goor dhowna la dhameystiri doono.

“Lacagta waxaa ku jira Kun, labo Kun, Shan Kun, 10 Kun, 20 Kun, waxaa kale oo laga fekirayaa xitaa 50 Kun in lagu soo daro laakiin intaan hor ayaa loo baahan yahay ayaa la yiri,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda sameyn doonto lacag ka yar Kunka Shilin, hase ahaatee hadda lacagta la diyaariyay ay tahay Kunka Shilin.

Bashiir Ciise Cali, guddoomiyaha Bankiga dhexe ayaa sheegay dadka sameeya lacagaha been abuurka ah ee loo egaysiiyey Kunka Shilin iyo inta ku gacansiisa ay dalka iyo dadka dambi ka galeen, cidii lagu soo qabto iyada oo gacanta kula jirta samaynta laacagtaas sharciga la horgeyn doono.

“Sharciga waxaa uu leeyahay qofkii lagu helo lacag been abuur ah waa 10 sano oo xarig ah waana dambi caalami ah,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Goobjoog News