U bood dhigaalka

Barakacayaal Ku Sugan Jowhar Oo Ka Cabanaya Afur La’aan

Sheeko:Dalka

Qoysaska barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka cabanaya Afur la’aan, xilli bisha Ramadan ay 2 tahay.

Qaar kamid ah dadkan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in aysan helin wax ay ku afuraan maadaam bisha Ramadan lagu guda jiro, iskaba da Suxuurte.

Waxay tilmaameen qoysaskaan in shacabka Soomaaliyeed, maamulka Hirshabelle iyo dowladda Federaalka ka codsanayaan in Afur iyo wixii ay awoodaan ay lasoo gaaraan.

“Annaga oo xaaladeennii iska liidatay ayaa hadda waxaa inoogu darsamay Ramadan, ma haysanno waxana ku afurno, waxaan u baahannahay inaan helno gurmad degdeg ah, waxaan rabnaa afur iyo suxuur” sidaasi waxaa tiri mid kamid ah hooyooyinka kusoo barakacay Jowhar.

Guud ahana barakacayaasha Soomaaliyeed ayaa xilligaan u baahan in la siiyo raashiin ay quutaan maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Goobjoog News