U bood dhigaalka

Barakacayaal Ku Sugan Muqdisho Oo Ka Cabanaya Raashiin La’aan

Sheeko:Dalka

Barakacayaasha ku sugan Xerada Daryeel ee degmada Kaxda, magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya raashiin la’aan, halkaasi oo ay ku nool yihiin qoysas aad u badan.

Mid kamid ah Barakacayaashan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay Goobjoog News, in halkaasi ay ka jirto raashiin, hoy iyo biyo la’aan baahsan.

Waxa uu tilmaamay in Gobolka Banaadir uu joojiyey raashiin yar oo dadkaan uu siin jirey, hadana xaaladooda ay halis ku jirto.

“Walaalow markii hore waxaan heli jirnay Bariis yar oo biyo lagu kariyo, hase ahaatee hadda waan weynnay, waxaan nahay barakacayaashii kasoo cararay abaaraha, gobolka Banaadir ayaa bariiska nasiin jirey hadane waa uu goostay, annaga xaaladdeena aad ayeey u liidataa, ma haysanno hoy iyo sidoo kale ciriiri biyo ayaa jira”

Dhanka kale Barakacayaashan ayaa ugu baaqay guddiga gurmadka abaaraha ee heer qaran in kaalmo degdeg ah lasoo gaaraan barakacayaasha ku nool kaamka Daryeel ee degmada Kaxda.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan barakacayaal badan oo abaar darteed uga soo cararay qaar kamid ah gobollada dalka, waxaana ay dadkaasi u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News