U bood dhigaalka

Barakacayaasha Ku Sugan Gaalkacyo Oo Baaq u Direy Puntland Iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Dadka Barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa baaq nabadeed u direy maamullada Puntland iyo Galmudug oo ciidamo kala taabacsan marar badan ay ku dagaallameen magaaladaasi.

Qaar kamid ah barakacayaashan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in iyaga oo barakac ku ahaa Gaalkacyo, hadane ay kasii carareen dagaalladii dhowaan ka dhacay magaaladaasi.

Waxay sheegeen in looga baahan yahay maamullada Puntland iyo Galmudug ay joojiyaan dagaallada, islamarkaana ay nabadda ka wada shaqeeyaan si shacabka ay u noqdaan kuwo hela nolol iyo nabad.

“Waxaan ugu baaqayaa Puntland iyo Galmudug oo walaalo ah iney dagaalka iska daayaan, xabad faa’ido maleh, annaga oo barakac ah ayaad nasii barakiciseen, nabadda dadka oo dhan ayeey u wanaagsan tahay ee walaalayaalow nabadda ka wada shaqeeya” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah barakacayaasha ku nool Gaalkacyo.

Dhinaca kale dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa ka dalbaday hay’adaha samofalka ah in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan maadaama ay sheegeen ineysan haysan Biyo, Raashiin iyo hoy intaba.

Goobjoog News