U bood dhigaalka

Barnaamijka Nabadeynta Caasimadda (Akhriso)

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare Xasan Khayre waxaa uu soo bandhigay barnaamij-ka xukuumadiisa oo ka kooban illaa 9 qodob, kuwaas oo looga hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha, xiriirka arrimaha dibadda iyo arrimo kale.

Goobjoog News, waxaa ay si tixane ah ugu soo gudbin doontaa akhristayaasheeda dhammaan qodobadaas oo faah-faahsan.

Barnaamijka Nabadeynta Caasimadda:

Xukuumadda Soomaaliya ayaa qaadi doonta olole loogu magac daray ololaha nabdinta caasimadda waxaana hal heys u ah ololahaasi  aan xasilinno Xamar, waxaana ka hawl-gali doono sida la sheegay Taliyaasha, Saraakiisha iyo qubarada ku xeel dheer dhinaca amniga,si ay u soo diyaariyaan qorshe loogu magac daray nabdinta caasimadda kaasi oo ka reebtoon inay ogaadaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda ee dagaalka kula jira.

Taliyaasha, Saraakiisha iyo xeeldheerayaasha amniga ayaa waxaa la sheegay in loo qorsheeyay muddo 30 maalin ah in ay ku keenaan qorshihii nabdinta caasimadda, kaasi oo gogal xaar u ah horumar wax ku ool u noqda in muddo lix bilood gudahood lagu xasiliyo amniga, dabadeed ayaa la sheegayaa in loo gudbi doono qorshaha mudada dheer ee sanadka ku siman.

Wadarta waqtiga qorshahaasi waa 18 bilood oo ku salaysnaan doono isla xisaabtan iyo soo hoonyta guulo waara, sii haynta xilalka taliyaasha iyo saraakiisha hay’adaha  amniga waxay ku xirnaan doontaa wax qabadka iyo natiijooyinka ay ka soo hooyaan ololaha Nabadeynta caasimadda, dhanka kalana waxay shacabka ay kula xisaabtami doonaan xukuumadda wax qabadka nabadeynta.

Go’aankaan oo ka turjumaya is badalka cusub ee ku salaysan isla xisaabtanka iyo wax qabadka muuqda oo hay’adaha iyo hawlwadeenada dowladda heer waliba oo ay gaareen iyo xil walba oo ay hayaan waxa uu gundhig u noqon doonaa in waxbadan oo is badala la gaaro sida dad badan ay aamisanyihiin .

Xildhibaan Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha  baarlamaanka  oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu ka waramayaa sida uu u arko barnaamijka Nabadeynta caasimadda isagoo ka hadlay aragtidiisa ku aadan sida loogaga hortagi karo amni darrada magaalada ka jirta waxa uuna yiri

“Amni darrada waa wax keeni karo sababo, sababtana waxaa u badan inaanu jirin qorshe ilaa iyo hadda aan la dajin ”

Ololaha Nabdinta caasimadda waxa uu noqon doonaa mid aan loo kala harin sida ay dowladdu sheegtay oo rag iyo dumar yar iyo weyn culimo iyo caamo ay ka qeyb gali doonaan waxa uu sidoo kale noqon doonaa mid laga rajeynayo inuu soo hooyo guulo sida ay ku tahmayso xukuumadda.

Xukuumadda ayaa sheegtay in ay ku taamayaan in qorshahaani uu dalka gaarsiiyo horumar isla markaasna uu horseed u noqdo nabad iyo xasilooni waarta, sidoo kale dowladda ayaa sheegeysa in ay bar tilmaameedsaneys sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah xarakada Al-shabaab ee ay waddo dowladdu taasi oo gundhig u noqon karta in la helo amni wanaagsan oo dalka oo idil ah.

Iyadoo taasi laga duulayo ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxa uu sheegay in dalka uu xiligani  ku jiro xaalad dagaal meel kastana uu shacabka Soomaaliyeed uu joogana ay la dagaalamaan sida uu yiri kooxaha ka soo horjeeda dowladda oo uu ula jeedo xarakada Al-shabaab asigoo arintaasi ka hadlayo waxa uu yiri madaxweynaha

“Qeybaha kala duwan ee amniga ciidamada qalabka sida qof kasta oo ka tirsan ciidamada qalabka sida waxaan amar ku siinnay inay heegan galaan oo ay qeyb ka qaataan Nabadeynta magaalada mugadishu iyo guud ahaan gobollada dalka oo ay qeyb weyn ka qaataan,umadda Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan rabnaa inay la shaqeeyaan ciidamadooda qalabka sida,oo runtii u heelan inay keenaan ammaanka magaaladaan si ay ugu soo noqoto nolosha sideedii”.

Si uu u hirgalo qorshahaani hawlgallada ugu horreeya ay xukuumadda ay qaadi doonto waxaa ka mida abaabul, kulammo wada tashi oo la gala tashan doono dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka si natiijooyin la taaban karo looga gaaro ammaan darida soo laalaabanayso iyo kaalinta uga haboon shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale xukuumadda iyada oo tix raacayso aragtida iyo is badalka cusub waxa ay garowsantahay ayaa la yiri in aan la gaari Karin natiijooyinka Nabadeynta hadii aysan shacabka Soomaaliyeed hormuud aysan ka ahayn qorshaha, waxaa kaloo ka mida hawlgallada ugu horreeya oo xukuumadda ay qaadi doonto dhamaystirka dhismaha hay’adaha  haykalka amniga ee Faderaalka iyo heer gobol iyo isku dhafka ciidanka si uu u abuurmo ciidan qaran oo ay qeexanyihiin waajibaadka iyo mas’uulaha loo xil saaray .

Xoojinta, dib u habeynta, tayeynta, daryeelka iyo qalabaynta hay’adaha amniga si ay u gutaan waajibaadkooda ku aadan amniga iyo xasilinta dalka una hantaan dalka oo idil ayaa qeyb ka ah qorshaha Nabadeynta caasimadda.

Waxa kale oo qorshahaasi ka mida dajinta siyaasad iyo hanaan cusub oo lagu wajaho hawlaha balaaran ee horyaalla xukuumadda,taasi oo ay tahay in ahmiyad gaar ah ay siiyaan dhamaystirka iyo hirgalinta sharuucyada asaasiga ah ee hay’adaha amniga si ay u gutaan wajibaadkooda.

Madiino Maxamed Warsame oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa aamisan in xilligaani ay cagta Soomaaliya ay saartay dhabihii is badalka, islamarkaan in wax badan oo rajo ah laga qabo in dowladdaani cusub ay la timaado waxa ayna tiri iyada oo arintaasi ka hadlayso;

“Dowladda waxa aan u jeedinaynaa maadaama hadda la ansixixay golihii wasiirada in xoogga la saaro dhinaca amniga tallaabada ugu horreyso marka laga sootago abaaraha,in dowladda cusub ay xoogga saarto si nabad ay ugu noolaadaan,tacadiyada iyo dhibaatooyinka badanna ay ka yaraadaan haweenka iyo dadka masaakiinta ah”.

Qorshahaan oo qaadan doono muddo ku siman lix bilood ayaa waxyaabaha xukuumadda u diiwaan gashan oo ay ka hortagi doonto waxaa ka mida ka hortagga marin habaabinta dhalin yarada  sida ay sheegeyso xukuumadda si looga badbaadiyo fekradaha qaldan loona abuuro jawi ay dhalinyaradu dalkooda ay ugu adeegaan, waa kan mar kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo fariintaan u diraya dhalinyada ka tirsan xarakada Al-shabaab

“Waxaa rabaa inaan baaq  cafisa u diro dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab inay noo soo noqdaan oo ay qeyb ka noqdaan horumarka dalka,waxaan ku soo dhaweynaynaa gacmo furan waxaan siinaynaa waxbarasho, waxaan siinaynaa shaqooyin,dalkaan waa dalkoodii annaga waa caruurteenii”.

Waxa kale oo qeyb ka ah barnaamijkaani Nabadeynta caasimadda ee lagu hiigsanaayo in lagaaro sidii loo abuuri rahaa jawi is dhaxgal oo ka dhaxeeya dowladda iyo shacabka .

Marayan Aadan Amiin oo ah agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska ra’iisulwasaaraha ayaa sheegeysa inuu is badalka uu ka bilaaban karo iyadoo si dhaw looga wada shaqeeyo amniga isla markaana loo diir naxo shacabka Soomaaliyeed, oo la abuuro jawi shacabka iyo ciidamada ay u wada shaqeyn karaan Waxa uu xafiiska u taaganyahay in bulshada uu u shaqeeyo wixii waxyeeladoodana uu ka dhawro, wixii wax dheefkoodana uu la raadiyo,waxyaabaha dhacayana way dhici jireen muddo 27 sano ah”

W/D: Munasar Maxamed Cabdi

W/Q:Jaamac Cali Shidane,

Goobjoog News