U bood dhigaalka

Barta Twitter-ka oo Kordhineysa Tirada Xarfaha Loo Ogolyahay Macaamiisheeda

Shirkadda Twitter ayaa Talaadadii Shalay ku dhawaaqday iney ku gudo jirto kordhinta tirada xarfaha loo ogolyahay dadka adeegsada barteeda oo la gaarsiinayo illaa 280 xaraf.

Shirkaddan oo xafiiskeeda ugu weyn uu ku yaallo San Francisco ayaa tiri: “Waxaan dooneynaa in qof kasta oo dunida ka tirsan uu si sahlan u tilmaamo naftiisa, sidaa darteed waxaan sameynaynaa arrin cusub, waxaan dooneynaa inaan tijaabinno tirada ugu badan ee xarfaha ah inuu gaaro 280 xaraf.”

Hadda tirada ugu badan ee xarfaha la ogolyahay waa 140 xaraf iyadoo taana lagu socday illaa markii la aasaasay twitter-ka 2006,  dadka adeegsada barta ayaa ku khasban iney markasta tirtiraan xarfo ay u baahnaayeen si waxa ka dhex guuxaya dadku ay u cabiraan.

Hadda dadkooban ayaa loo ogolaaday iney adeegsan karaa 280 xaraf, shirkadduna ma aaney sheegin xilliga ay sida rasmiga ah ugu soo deyn doonaan dhamaan macaamiishooda si ay uga faa’idystaan adeeggan cusub.

Shirkadda ayaa sheegtay in tijaabooyinku ay gaari doonaan dhammaan luqadaha dunida marka laga reebo Japan iyo China iyo Kuuriya oo iyaga erayo kooban macno ballaaran lagu cabiri karo.

Shirkadda Twitter-ka oo cilmibaaris samaysay ayaa ogaatay in 9% dadka adeegsadaa luqadda English-ka ay ku dhibaatoodaan adeegsiga 140 xaraf iyagoona tilmaama sida ay arrintaa ugu niyadjabsan yihiin.

Goobjoog News